HomeWasiirka Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Qorshe Ciyaaraha Gobollada Mar Loogu Wada...

Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Qorshe Ciyaaraha Gobollada Mar Loogu Wada Qabanayo Laba Gobol

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco, (SLpost)- Wasiirka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ugu suurto-galsan ee labada gobo lee Awdal iyo Togdheer loogu wada qabanayo ciyaaraha gobolada Somaliland ee sannadkan.

Wasiirka ciyaaraha Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa uu sheegay in dhawaan la qabanayo ciyaaraha gobolada isla markaana lagu kala ciyaari doono gobolada Awdal Iyo Togdheer isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu  yidhi “Waxa la qabanayaa ciyaarihii gobolada. Sida qorshuhu yahay, gobolka Togdheer waxa ku wada ciyaaraya 8 gobol, lix gobolna waxay ku wada ciyaarayaan gobolka Awdal, waxaana ka soo bixi doono min afar gobol  kuwaas oo lagu wada ciyaarsiin doono Hargeisa.”

Mudane Axmed Cabdi Kaahi, idoo kale waxa uu sheegay inay dhib badan tahay in 14-ka gobol meel kaliya loogu wada qabto tartanka ciyaaraha gobolada, waxaanu sharaxay qaabka loogu kala qabanayo labada gobol waxaanu mar kale yidhi “Waa arrin culayskeeda iyo dhibteeda leh,  sidii loogu ciyaari jiray wadankii hore ee Soomaaliya la odhan jiray , waa la soo kala hadhi jiray in fudud ayaana ciyaarta gali jirtay, markaa haddii intaas oo dhan layskugu keeno  dhib ayey ku tahay cid kasta oo loo geeyo, waana la kala qaybiyey gobolada ciyaaruhuna isku mar ayey dhacayaan.”

Ugu danbayntiina wasiirka ciyaaraha Somaliland waxa uu fariin u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Todheer, waxaanu kula dardaarmay inay soo dhaweeyaan gobolada ay marti gelinayaan, waxaanu yidhi “Ciyaaraha loo soo gartay inay marti geliso magaalada Burco, waxaan leeyahay waa inaad marti galisaan 8 gobol ee ku ciyaari doono Burco waana inay soo dhaweeyaan goboladaas.”

Wasiirka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin, sidoo kale waxa uu kormeer ku soo maray gooramada cagaaran ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Maxamed Dhabbeeye.

Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mudane Maxamed Dhabbeeye, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu hambalyo iyo dhiiri gelin u soo jeediyay dadweynaha reer Burco waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Burco aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa, waxaanan ku dhiiri gelinayaa in ay si wanaagsan u marti geliyaan tartankaa ciyaaraha gobolada ee is reeb reebka ah ee gobolada bariga, iyada oo Booramena u diyaar garoobayso in ay marti geliso gobolada Galbeedka, siddeeda ka soo baxa ayaanu rajaynaynaa in ay Hargeysa ku ciyaaraan kubad qurux badan, sidana ay kaga soo baxdo kooxdii sannadkan hanan lahayd koobka Somaliland.”

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu sheegay in ay magacaabeen guddidii qaban qaabada ciyaaraha is reeb reebka ah eek a dhici doona magaalada Burco waxaanu yidhi “Waxaanu magacawnay guddidii qaban qaabada ciyaaraha bisha August ka dhici doona gobolka, iyada oo ay isu iman doonaan siddeed gobol oo bariga ah oo ay Burco ugu galbeedayso, lixda kalena Boorame ayay ku ciyaari doonaan, waxaana la isug iman doonaa Hargeysa, wasiirkuna wuu ku dhawaaqay, markaa inaga reer Burco ahaan waxaa la inooga baahan yahay sidii aynu ugu diyaar garoobi lahayn ee aynu uga qayb qaadan lahayn marti gelintaas yar iyo waynba.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories