HomeWasiirka Caddaaladda iyo Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta Oo Maanta Tabar...

Wasiirka Caddaaladda iyo Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta Oo Maanta Tabar Ufuray Saraakiil Ciiddan Asluubta ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLPOST):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta Somaliland ayaa maanta Tababar u furay saraakiil ka tirsan Ciidanka.

askar9

Asluubta. Tababarka ayaa mudada uu socdo ay ku baranayaan Saraakiishu hanaanka ay ula dhaqmayaan dadka dambiyada loo soo qabto ee Xabsiyada loogu keenayo iyo kor uqaadista Xirfada Askarta.

Wasiirka Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in lagu darsayo Tababarkan sidii loo hagaajin lahaa Akhlaaqda Maxaabiista si ay Jeelka uga baxaan iyadoo wax la baray islamarkaana la hagaajiyey dhaqankooda.

“ Waxaynu Baraynaa Xirfado marka uu Xabsigiisa dhamaysto Anfaca qofkii la soo xidhay, oo sidii ay ahayd in loo barana aad u baraysaan. Waynu ilaalinaynaa haddana waxbaynu baraynaa Maxaabiista. Nidaam-yada cusub ee Xeerka Xabsiyadu soo kordhin doono Insha Allah, waxaa ka mid ah Goorta Maxbuusku yeelanayo Siidayn Shuruudaysan.” Ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) Taliyaha guud ee Asluubta Somaliland oo isna la hadlay Saraakiisha tababarka qaadanaysa ayaa sheegay in qorshaha Ciidanka Asluubtu yahay hagaajinta Akhlaaqda Maxaabiista iyo sidii ay iyagoo wax bartay islamarkaana dhaqankooda la wanaajiyey uga bixi lahaayeen Xabsiga.

“ Tababarkani wuxuu ka mid yahay Aqoontii isdaba jooga ahayd ee Ciidanku u baahnaa iyo in Gabi ahaanba Xubnaha Ciidanka Asluubta la baro Xirfadooda iyo Mid waliba shaqada uu hayo in wax laga baro. Waxa la barayaa sidii ay u ilaalin lahaayeen Maxaabiista, Xabsiga iyo Agabkooda iyo dhamaanba wixii loo igmaday inay ka shaqeeyaan.” Ayuu yidhi Sareeye Guuto Xiirane.

Hay’adda Qaramada midoobay ee UNODC ayaa hirgalisay Tababarkan oo Saraakiisha ka masuulka ah Xabsiyada wadanku ku baranayaan duruus ku aadan sidii ay hanaan wanaagsan ula dhaqmi lahaayeen Maxaabiiska loogu keeno Xabsiyada.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories