HomeWasiirka Cadaaladda Zambia iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal ku yimi Hargeysa

Wasiirka Cadaaladda Zambia iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal ku yimi Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Caddaaladda dalka Zambia Mr. Gavin Lubinda iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta socdaal ku yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Socdaalka Wasiirka Cadaaladda waddanka Koonfurta Afrika ku yaalla ee Zambia oo noqonaya kii ugu horreeyey ee masuul dalkaasi ka socdaa ku yimi Somaliland, waxa madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Aiport ku qaabilay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda.

blankKu-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf oo u warramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu tilmaamay in weftiga Wasiirka Zambia ay kulamo yeelan doonaan masuuliyiinta Xukuumadda, isla markaana ay Salaasadda Berri la kulmi doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Liibaan Cismaan waxa uu xusay inay wadajir uga wada hadli doonaan iskaashiga iyo xidhiidh ugub ah oo labada waddan u bilaabmi doona.

Wasiirka Caddaaladda ee Zambia Mr. Gavin Lubinda waxa uu hore u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas, waxaanu noqonayaa dalkii labaad ee ku yaalla Koonfurta Qaaradda Afrika ee wefti heer wasiir ah u soo dira Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Malawi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa badhtamaha bishii Demcember 2020 socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, waxaanay kulan wada-yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay.

Socdaalka ay weftiga Zambia ku yimaaddeen caasimadda dalka, ayaa qayb ah olole xukuumadda madaxweyne Biixi ugu jirta inay qaadiyadda madax-bannaanida Somaliland ku gaadhsiiso waddamada Afrika, gaar ahaan dalalka Koonfurta Qaaradda Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories