HomeWasiirka Cadaaladda Somaliland oo ka digay Khatarta ka dhalan karta Kalsooni-darro loo...

Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo ka digay Khatarta ka dhalan karta Kalsooni-darro loo muujiyo Garsoorka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa shacbiga Somaliland uga digay inaanay Sharciga gacanta ku qaadan isla markaana meel adag iska taagay falkii shalay subax lala beegsaday Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Maxamed Maxamud “Duraan”.

blank
Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirka oo Xafiiskiisa ugu Waramayay Warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii toogashada ahayd ee lagula kacay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex  oo uu ku sifeeyay dagaal ka dhan ah bah’da Garsoorka ee Somaliland.

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu xusay in dhacdadaasi aanay hore uga dhicin gobolada Somaliland marka laga reebo sida uu sheegay gobolka Sool xaruntiisa Laascaanood,Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka waramay marxaladaha ay maraan kiisaska ay maxkamaduhu ka garnaqaan,isagoo iftiimiyay in hadii mid ka mid ah dhinacyada dacwadu u dhaxayso uu ku qanci waayo uu xaq u leeyahay uu racfaan u qaadanayo maxkamada racfaanka,hadii ay taasi gar siin weydana uu u gudbi karo Maxkamada Sare,waxaanu wasiirku intaas ku daray in qofka intaas ku qanci waaya uu hadana sharcigu u ogol yahay inuu Maxkamada Sare ka codsado dib u yeedhin kiiskiisa ku saabsan,Wasiirka Cadaaladu waxa uu sheegay in khasab aanay ahayn in afartaas darajo ay dacwaduhu maraan.

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu xusay  in falkii shalay dhacay loo tirinayo inuu ku lug leeyahay xukuno maxkamadeed,isla markaana waxyeelada la soo gaadhsiiyay ay ku timid go’aan uu ka garnaqay, maadaama ay tahay mas’uuliyada uu ummada u hayo.

Wasiirka Cadaaladu waxa uu jawaab ka bixiyay fikrado khaldan oo laga faafinayay Garsoorka dalka,lagana dhigayay sida uu sheegay mid aanay ummadu aamini Karin taas oo uu ku tilmaamay aragtiyo xaaraan ah.

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu ku dooday in wixii dhaliil ah ee laga tirsado bah’da garsoorka la heli karo dariiq kale oo lagu saxo, isagoo xusay in Kow iyo Labaatan Sanadood aynu ku soo jirnay Gufaynta wixii Gal daloolo ah ee Garsoorku leeyahay.

SOMALILANDPOST.NET

Webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories