HomeWasiirka Cadaaladda oo Meesha ka saaray Faro-gelin lagu hayo Madax-bannaanida Waaxda Garsoorka

Wasiirka Cadaaladda oo Meesha ka saaray Faro-gelin lagu hayo Madax-bannaanida Waaxda Garsoorka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta jawaabo ka bixiyay Eedaymo kala duwan oo isaga iyo Madaxweyne  Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo loogu soo jeediyay Gudi Wasiiro ah oo dhawaan uu Madaxweynuhu u xil saaray inay Warbixino ka keenaa cabashooyinka Garsoorka.

Wasiirka oo daba socday Xog waran uu Wargaysyada Ogaal iyo Waaheen uu siiyay Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Shuruucda iyo Xuquuqul iinsaanka ee Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Cismaan Caalin “C.raxmaan dheere” oo hadalkiisa ku saleeyay in Gudidaas uu Madaxweynuhu magacaabay ay meel ka dhac ku tahay Madax banaanida Garsoorka.

blank
Xuseen Axmed Caydiid

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu si qoto dheer u sharaxay sida uu distoorka qaranku u Qeexay Madax banaanida Garsoorka, waxaanu sheegay in ay dhinaca kale jirto dariiq sharci oo lagula xisaabtami karo xadgudubyada lagga tirsado bah’da garsoorka,isagoo soo qaatay qodobo ka mid ah distoorka Qaranka oo arrintaas u xalaalaynaya ,waxaanu intaas ku daray in Waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fulinayso si waafaqsan distoorka dalka iyadoo ka madax banaan Waaxyaha kale ee Qaranka.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladu waxa uu meesha ka saaray wax fara galin ah oo Xukuumadu ku hayso hay’adaha Garsoorka,waxaanu sheegay in hadii ay taasi jirto ay badan lahaayeen dacwadaha dadweynaha dhexdooda ka jira ,isagoo xusay in dacwadaha ay maxkamaduhu ka garnaqaan ay 95% yihiin kuwo u dhexeeya dadweynaha  .

Wasiirku cadaaladu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu shakhsi ahaan uu doonayo in la hoos keeno Wasaaradiisa Waaxda Garsoorka oo ka madax banaan Fulinta,waxaanu intaas ku ladhay in isagu uu garsoorka ku wareejiyey mashruuca maxkamadaha wareega oo hortii Wasaaraddu maamuli jirtey,iyo in Mushaharka Garsoorayaashu ay la sinmaan golayaasha qaranka.

Wasiirku waxa uu ku dooday in Cabashooyinka Ciqaabta ah ee soo gaadha Maxkamaduhu ay yaraadeen ,taasoo ka dhalatay sida uu sheegay Wasaaradda oo warbixin bille ah ka hesha xabsiyada wadanka,isla markaana ku baraarujisa maxkamadaha dadka ku jira jeelasha ee aan helin xaqii ay u lahaayeen in la hor keeno garsoorka si kiiskooda go’aan looga gaadho.

Wasiirka cadaalada Somaliland sidoo kale waxa uu ka hadlay madaxbanaanida garsoorka isaga oo xusay in madaxbanaanida garsoorku aanay madaxweynaha  ka hor istaagayn inuu la xisaabtamo bahda garsoorka .

Wasiirka oo ka jawaabayay canbaaraynta uu Xildhibaan C.raxmaan Cismaan Caalin u soo jeediyay ee ku saabsan inuu dusha ku qaatay hawlihii garsoorka waxa uu iftiimiyay in Xildhibaankani uu si toos ah uga mas’uul yahay tayo-xumida ku dhacday Guddida Cadaaladda, ee keeni karta sida uu sheegay  xil-gudasho la’aanta Guddidaas,waxaanu intaas ku daray in Guddoomiyihii Guddi-Hoosaaddii Golaha Wakiillada ee xubnaha u soo xushay Guddida Cadaalada uu  saamayn weyn ku lahaa soo-xulidda xubno aan buuxin shuruudihii dastuurku u dhigay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories