HomeWasiirka Cadaaladda oo Maxkamadaha, ururrada Qareennada iyo Nootaayooyinka ku amray dhaqan-gelinta Go’aan...

Wasiirka Cadaaladda oo Maxkamadaha, ururrada Qareennada iyo Nootaayooyinka ku amray dhaqan-gelinta Go’aan hore uga soo baxay Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargesa (SLpost)-Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Somaliland  Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta  soo saaray wareegto uu ku amrayo hay’adaha kala duwan ee garsoorka in lagu dhaqan galiyo Cashuurta ku dhejinta tigidhada oo dhawaan wasaaradda Maaliyaddu ku dhawaaqday in la meel-mariyo.

Wasiirku waxa uu wareegtadisan ku amray dhamaan Ha’yadaha garsoorka iyo xafiisyada notayooyinka iyo xafiisyada qareenada iyo xafiisyada dhulka iyo Guryaha  inay dhaqan galiyaan cashuurta ku dhajinta tigidhada.

Waxaanu Wasiirku ku soo saaray meel marinta Cashuurtan  xeer Wasiir oo u dhignaa sidan:

“Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu, markuu arkay xeerka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku tarikhaysan 15 April 2012 ee u jeedadiisu tahay hirgalinta Cashuuraha  ku dhejinta tigidhada kuna socotay dhamaan Wasaaradaha iyo Ha’yaddaha Dawlada, markuu arkay xeerka Wasirka Maaliyada ee la qoray 12 May 2012, u jeedadiisuna tahay wakhtiga hab-dhaqan galinta Cashuu rta ku dhajinta tigidhada oo lagu cadeeyey in hirgalinta Cashiirta tigidhada labilabaayo 12 Mayl 2012 oo ahayd shalay, markii uu tixgaliyey baahida loo qabo in laga wada qayb qaato hirgalinta cashuurta lagu dhajinaayo tigidhada ayaa waxa uu soo saaray Wasiirku in dhamaan lagu wargalinaayo Masuliyiinta Xafiisyada ee xeerka Wasiirku ku socdo in dhaqan galinta ku dhajinta tigidhada in dalka si rasmi ah ay uga bilamatay maalintii shalay ahayd.

In laga bilaabo xeerkan Wasiir anay bixikarin dhokomati lagu waajibiyey in tigidh lagu dhajiyin aan ahayn tigidhka loogu talogalay oo helitaanka tigidhada iyo qoraalada ay ku waajibiyaan ku dhajinta tigidhada iyo qiimaha tigidhada ee ay ku qayaxan yihiin inay kala xidhiidhaan xafiisyada Bariga ee dalka.

Xafiisyada iyo xisaabiyaasha guud ee Gobalada iy Degmooyinka waxa lagu adkaynayaa in Xeerkan Wasiirku soo saaray laga bilabaayo ama dhaqan galinta ku dhajinta tigidhada 12 May 2012 ee ah bishan aynu ku jirno.

Waxaana sigaara Guddoomiyaasha Maxkamadaha looga codsanayaa ee xeerkan Wasiir ku socdo in Maxkamaduhu ay aqoonsan Dhokomatiga lagu waajibiyey ku dhajinta tikidhka ee aanu ku dhajisnay tigidhkii lagu waajibay oo waxaa laga codsanayaa xeerkan Wasiirku soo saaray Masuliyiinta Xafiisyada inay xil iska saran oo ay ku dhaqmaan ku dhajinta Tigidhada xafiisyada Dalka.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa todobaadkii hore amar uu ku socodsiinayo hay’adaha dawladda ku soo saaray in la dhaqan-geliyo cashuurta ku-dhejinta tigidhada (Revenue duty) kaas oo nidaam cashuureed oo aan hore dalka uga jirin balse ay wasaaradda Maaliyaddu ku soo kordhisay.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories