HomeWasiirka Cadaaladda JSL oo markii labaad Shaqo-fadhiisin, Isku beddel iyo Magacaabis ku...

Wasiirka Cadaaladda JSL oo markii labaad Shaqo-fadhiisin, Isku beddel iyo Magacaabis ku fuliyey Qaar ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa maanta shaqadii garsoore-nimo ee ay hayeen ka  saaray 11 Garsoore oo ka kala tirsan gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal , waxaanu isku beddel ku sameeyey  lix garsoore halka uu sidoo kale ku magacaabay shan garsoore oo cusub.

Warsaxaafadeedka  uu ku saxeexan yahay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid isla markaana lagu sheegay in lagu fuliyey go’aan ay isla gaadheen guddiga cadaaladda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

“Wasaaradda Cadaaladda ee Somaliland, iyada oo Cuskanaysa Qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Farqadiisa 1aad, kaas oo qeexaya inay wasaaradda cadaaladdu u xilsaaran tahay fulinta Go’aannada Gudiga Cadaaladda.

Sidaas darteed, waxaanu halkan faafinaynaa go’aanka lambarkiisu yahay MS/GGC/G-3/08/2011 ee 22/12/2011.

WAXAY GO’AAMISAY

Qodobka 1aad: SHAQO KA SAARID:

Waxa shaqadii garsoorka laga saaray Garsoorayaasha hoos ku qoran:

  1. Siciid Yuusuf Cabdi oo ahaa Garsoore Maxkamadda Goboka Hargeysa
  2. Sh. Faarax Nuur Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gonolka Hargeysa.
  3. Ismaaciil Jaamac Diiriye oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa
  4. Aadan X. Maxamed Cawaale oo ahaa Garsoore Max. Racfaanka G. Togdheer
  5. Cismaan Tarabi Darwiish oo ahaa Garsoore Maxkamada Gobolka Togdheer
  6. Sh. Nuur Faarax Jaamac oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer
  7. Saalax Caydiid Ducaale oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer
  8. Maxamed Cumar Cali oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer.
  9. Cabdi Cawl Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Awdal
  10. C/raxmaan Cali Maxamed oo ahaa Garsoore  Maxkamadda Racfaanka G/Awdal
  11. Khadar Xasan Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Awdal

Qodobka 2aad: BEDDEL GARSOOREYAAL

  1. Sahal Cabdilaahi Xirsi oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka G/Saaxil waxa loo beddelay Garsaare maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa.
  2. Cismaan Ibraahim Daahir, oo ahaa Gudd. Maxkamadda G/Saaxil waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda G/Hargeysa.
  3. Aadan Jaamac Saleebaan, oo ahaa Gud. Maxkamadda G/Sanaag waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka G/Sanaag.
  4. Xamse Cabdilaahi Xirsi, oo ahaa Gud. Maxkamadda Degmada Berbera waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda G/Saaxil.
  5. Axmed Aadan Mire, oo ahaa Gudd. Maxkamadda Degmada Burco waxa loo beddelay Maxkamadda Degmada Hargeysa.

Qodobka 3aad: MAGACAABIS GARSOORAYAAL

  1. Cabdiraxmaan Xandulle Xuseen, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada Berbera.
  2. Jamaal Axmed Maxamuud (Cagaweyne), waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Saaxil.
  3. Xuseen Maxamuud Fadal, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
  4. Jamaal Xuseen Axmed, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda G/Hargeysa.
  5. Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka
  6. Hargeysa.

Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda JSL”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories