HomeWasiirka Caafimaadka Somaliland oo Kormeer Noociisu Ugub yahay ku maray MCH-yada Hargeysa...

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Kormeer Noociisu Ugub yahay ku maray MCH-yada Hargeysa iyo Ujeeddada Qorshaha ka dambeeya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiirka CaafimaadakHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa maanta kormeeray Xarumaha Adeegyada Caafimaad ee hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee magaalada Hargeysa.

Kormeerka oo ay wasiirka ku wehelinayeen Agaasime-waaxeedyada Maamulka iyo Caafimaadka guud ee Wasaaradda, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid wasiirku ugu kuur-galayey xaaladda xarumaha, Aqoonta Caafimaa ee shaqaalaha ka hawl-gala iyo tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan Xarumaha MCH-yada ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale Ujeeddada Kormeerka wasiirku ku maray Xannaanooyinka Hargeysa qaarkood, ayaa qayb ka ah qorshe lagu horumarinayo isla markaana lagu ballaadhinayo adeegyada caafimaad ee bulshada u qabtaan Xarumaha adeegyada Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka guud ahaan dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Aqooneed ee hawl-wadeennada ka shaqeeya goobaha Caafimaad.
Md Saleebaan oo kormeerkiisani noqonayo kii ugu horreeyey noociisa ee uu mar kaliya ku maro dhowr xarun-caafimaad oo oo xaafadaha magaalada Hargeysa qaarkood, waxa uu si gaar ah ugu kuur-galay qaab-hawleedka shaqaalaha iyo adeegyada ay bulshadu ka hesho xarumaha caafimaad.

Dr Saleebaan Ciise Axmed waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Laba Xarumood oo Dhallaanka iyo Hooyada ah oo ku yaala Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, isagoo wasiirku ku beegmay xilli ay ku sugnaayeen dadweyne adeeg caafimaad loogu qabanay xarumaha, waxaanu halkaas kula kulmay maamulka iyo hawl-wadeennada heeganka ku ah Xarumaha, kuwaas oo uu ka dhegaystay warbixinno la xidhiidha hawl-qabadkooda iyo noocyada adeegyada ay bulshada u qabtaan.

Kormeerka Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye oo Kedis ku noqday maamulka iyo hawl-wadeennada Xannaanooyinka uu booqday oo mar kaliya u war-helay wasiirkii Caafimaadka Somaliland oo dhex-taagan Xarumaha, waxa kale oo uu booqasho ku maray Xannaanooyin ku yaalla Xaafadaha Xawaadle iyo Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu si gaar ah ugu kuur-galay isla markaana uu gacantiisa ula tagay Daawooyinka ku keydsan oo uu baadhitaan ku sameeyey tayadooda.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN IYO HADALKA WASIIRKA HALKAN KA DAAWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories