HomeWasiirka Caafimaadka oo ku Guulaystay La-taliye Fu’aad A. Cadde inuu ka soo...

Wasiirka Caafimaadka oo ku Guulaystay La-taliye Fu’aad A. Cadde inuu ka soo Lad-qabeeyey Jidkii Xaabsade, Maantana Qado-sharaf loogu sameeyey Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ku guulaystay inuu soo maslaxo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha gobollada Bariga dalka Fu’aad Aadan Cadde oo dhawaanahanba saluug siyaasadeed u joogay Degmada Taleex ee gobolka Xaysimo oo hore uga tirsanaa Sool, waxaanay ku kulmeen deegaankaas oo uu Wasiir Xaglo-toosiye u tegay Dhagax-dhigga Cusbitaal ay Xudun yeelanayso.

xagla-toosiye_FuKulan iyo wadahadal dhex-maray Wasiirka iyo la-taliyaha, ayaa la sheegay inuu Xaglo-toosiye ku qanciyey Fu’aad inay isa soo raacaan oo uu ka soo noqdo diidmada siyaasadeed ee uu toddobaadyadii ugu dambeeyey ku joogay deegaankaas, iyadoo hore loo baahiyey inuu u tallaabayo dhinaca Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isaguna uu Waraysiyo badan oo lala yeeshay ka gaabsaday inuu ku caddeeyo su’aalo badan oo lagu weydiiyey waxa uu tabanayo iyo inuu dhinacaas u sii socdo, balse uu markasta ku cudur-daaranayey inaanu wakhtigan wax faahfaahin ah ka bixinaynin, laakiin lagaba yaabo wararka laga qoray ee sheegaya inuu Puntland u galayo inay run noqon karaan, beenna noqon karaan, isla markaana uu caddaynayey inuu ku sugan yahay dhulka Somaliland.

Wasiirka Caafimaad iyo wefti ka kooban hay’adaha kala shaqeeya dhinaca horumarinta adeegyada bulshada ee caafimaadku ka mid yahay oo deegaamo hoos-yimaadda degmada Xuddun ka fulinayey mashaariic horumarineed, ayaa gaadhay tuulada Lafa-weyne oo ka tirsan degmada Xuddun. Tuulada Lafa-weyne Markii ay gaadheen waxa halkaas ku qaabiley oo weftiga Wasiirka Sooryo ugu sameeyey La-taliyaha madaxweynaha ee gobollada Bari Fu’aad Aadan Cadde oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa deegaankaas, waxaanay labada masuul halkaas ku yeesheen kulan gaar ah oo ay is-afgarad ku yeesheen, sida ay tibaaxeen ilo-wareedyo Himilo u xaqiijiyey inuu Fu’aad Aadan Cadde ku qancay soo-jeedimo wasiirku u jeediyey.

La-taliye Fu’aad Aadan Cadde waxa uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland kala qayb-galay munaasibad xarunta Daryeelka hooyada iyo dhallaanka ah oo laga dhagax-dhigay tuulada Lafa-weyne, waxaana kulankaas dhagax-dhigga ka hadlay Wasiirka Caafimaadka iyo La-taliyaha Madaxweyne ee gobollada Bari.

Sidoo kale, La-taliye Fu’aad Aadan Cadde, ayaa isaguna kulankaas ka hadlay oo sheegay inay wax wanaagsan tahay inay Hay’adihii 23-ka sano ka baqayey gobollada Bari inay maanta ka hawlgalayaan gobolka Xaysimo (Taleex). “Wasiirku aad iyo aad buu u mahadsan yahay, Cusbitaalka Qaaxada ee degmada Xuddun ee uu dhagax-dhigay ee uu ballan-qaaday dhaqso inuu u dhismayo, Xarunta Caafimaad ee aadka loogu baahnaa ee uu hadda (shalay) ka dhagax-dhigay Lafa-weyne, waxa ka sii wanaagsan Hay’adihii 23-ka sannadood odhan jiray Bari waa la isku cunaa oo la tegi maayo kuwoodii ugu muhiimsanaa inay maanta Bari joogaan.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.

Weftiga Wasiir Xagla-toosiye oo shalay gelinkii dambe soo gaadhay magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar oo uu weheliyo Fu’aad Aadan Cadde, ayaa xalay ku soo guryo-hoyday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo maanta qado-sharaf uu ugu sameeyey Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad, waxaana la filayaa inay ilaa maanta gelinka dambe u soo dhaafaan dhinaca magaalada Hargeysa.

Illaa hadda si rasmi ah uma caddayn nooca tabashada siyaasadeed ee uu qabo ama uu tirsanayo Fu’aad Aadan Cadde, waxaana haddii uu Weftiga Wasiirka Hargeysa u soo raaco meesha ka baxaysa dareenka iyo shakiga laga qabay inuu dhinaca Puntland u wareego oo si aad ah loo hadal hayey saddexdii toddobaad ee u dambeeyey.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories