HomeWasiirka Caafimaadka oo ka hadlay Qorshe lagu Qiimeynayo Xirfadleyaasha Caafimaadka iyo Awoodda...

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay Qorshe lagu Qiimeynayo Xirfadleyaasha Caafimaadka iyo Awoodda Guddi Heer Qaran ah oo loo Xilsaaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

dr xoogHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamuud (Xoog), ayaa daboolka kaga qaaday awoodda Guddi Caafimaad oo loo xil-saaray Qiimeynta Xirfadleyaasha Mihnadda Caafimaadka ee Gaarka loo leeyahay ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaad oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu daahfuray Halw-galka Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka oo lagu qabtay Hargeysa, waxa uu sheegay in Dadweynaha Somaliland Cabasho xooggan ka muujiyaan xirfadleyaasha Caafimaadka Qaarood, kuwaas oo aan laga warhayn heerkooda Aqooneed.

 “Runtii dadweynaha reer Somaliland waxay cabasho noogu soo jeedinayeen oo in badan ashkato noogu keeneen dhibaatadda ka haysta dad xirfadlayaalla oo aan aqoontoodii heerka ay gaadhsiisantahay aan war loo haynin shahaadadooda aan la ogayn, qaar la ogyahay in aanay shahaadaba qaadan oo aanay jaamacad iyo dugsi caafimaad ka bixin xitaa iyo ku shahaado haysta oo khalado galayaa oo khaladadoodii in meel la saaro aan la haynin,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Dr Xoog waxa uu sheegay inaanay suurto-gal u ahayn Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddidanba haddii aanu jirin Xeerkii lagu hagi lahaa Xirfadleyaasha Caafimaadka, haseyeeshee wakhtigan oo uu xeerkaasi diyaar yahay, ay ku tallaabsan doonaan tallaabo ka dhan hubinta aqoonta mihnadleyaasha Caafimaadka, waxaanu yidhi, “Anaga oo tixgalinaynaa cabashadoodii waxaanu dar-dargelinay xeerkii inuu hirgalo oo la ansixiyo, dadka samaynaya ficilka ay dadku ka soo ashkatoonayaan ama waa dadkeenna ama dadka wata oo ka dambeeya ama nin weyn ayaa ka dambeeya. Dadkana haddii aynaan sharci ku kala baxayn waad murmaysaa, aniga oo murankaa iska diidayna oo in badan dhegaha ka furaysanay oo aanu maanta oo kale la sugaynay wax-qabadkayga, xeerkaasi wuxuu meesha ka saarayaa qof aan xaq u la’ahayn inuu wax daweeyo.”

Wasiirku waxa uu taabtay waxqabadyada Xeerkani u jidayn doono ilaalinta Xuquuqda Caafimaad ee Muwaadinka iyo mihnadleyaasha ku hawl-gala, waxaanu yidhi, “Waxa uu meesha ka saarayaa dhakhtar ajaanib ah oo iska yimi oo aynaan jaamacadiisana ogayn oo meel iska furtay, wasaaraddana soo marin sida imika dhacda. Dhakhtar kasta oo ajaanib ah oo khibrad iyo aqoon leh waynu u baahannahay oo ma joojinayno.”

Wasiir Xoog oo ka hadlaya xidhiidhka wada-shaqayneed ee hay’adaha madaxa-bannaan iyo Xukuumadda, waxa uu yidhi, “Dowladda maanta hal ku dhigeeddu waxay tahay in la muujiyo go’aan dowladnimo oo xeerka la hirgalinayo qiimo kasta ay ku kacayo  gacan lagu siinayo hay’adda gacanta ku haysaa oo ah hay’ad ka madaxbannaan laakiin ay wada-shaqayn leeyihiin wasaaradda caafimaadka oo gacan lagu siinayo wixii ay codsato.”

Ugu dambayntii, wasiirku waxa uu ka hadlay waajibaadka Sharci iyo awoodda ay ku hawl-gali doonaan Guddida qiimeynta Mihnadleyaasha Caafimaadka oo uu sheegay inay iyagu go’aan ka qaadan doonaan Cid kasta oo loo arko inaanay buuxin shuruudaha Mihnadda Caafimaadka, “Marka waxaan halkan ka ballan-qaadayaa anigoo dowladda uga wakiil ah caafimaadka, in gacan-siinta ay u baahdaan ee sharci iyo fulineed ah, aanu diyaar la nahay iyagoa xor ah go’aanka ay gaadhaan, ciddii ay u arkaan in aanay munaasib u ahayn inay dadka daweeyaan oo aanay gacantoodu aamin ahayn in marka ay go’aan ka soo saaraan aanu go’aanka la fulino oo aanu hirgalino,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories