HomeWasiirka Caafimaadka oo ka hadlay Dhaliilo laga Sheegay Adeegga Caafimaad ee Cusbitaalka...

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay Dhaliilo laga Sheegay Adeegga Caafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 10 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud Muxumed (Xuseen-Xoog) ayaa Si Adag u beeniyay Wax uu Ugu Yeedhay Hadal aan Xaqiiqda ku dhisnayn oo  ay Faafiyeen  qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah oo ay wax kaga  sheegeen adeegga Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa.

Wasiirka oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda, waxa ku weheliyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada, Dhakhaatiir ajaanib ah oo ka  hawl gala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa  iyo Gudida Madaxa banaan ee maamusha cisbitaalka Caasimada .

Wasiirka Wasaarada Caafimaadku waxa uu Xusay in Ujeedada Shirkan Jaraa’id ay la xidhiidho Hadalo Maalmahan ku soo baxayay Warbaahinta Maxaliga ah gaar ahaan wargeysyada  ay ka mid yihiin,Haatuf iyo Saxansaxo oo siyaabo khaldan wax uga qoray Cisbitaalka Guud ee Caasimada kuna sheegeen in habacsanaan baahsani ay ka muuqato Cisbitaalka ,isla markaaana uu ku tilmaamay kuwo xaqiiqada ka fog.

Geesta kale Wasiirku waxa uu ka warbixiyay Waxqabadkii wasaarada Caafimaadka Mudadii Sanadka iyo Badhka ahayd ee u dambeysay,waxa kale oo wasiirku Tilmamaay in Dhaqaatiir badan oo Ajaniba ah Isla markaana Madashaas ku sugnaa ay wadanka u yimaadeen inay Adeegyo Caafimaad oo u badan Lacag la’aan ka fuliyaan.  Wasiirka Caafimaadka waxa uu si gaar ah u tilmaamay Mar uu ka hadlayay dhinaca talaalka in qaar ka mid ah Saxaafadu ay si khaldan u tabiyeen dhawaan mar uu ka hadlay arimaha la xidhiidha Xanuunka Booliyada,taas oo ku sifeeyay mid la majaro habaabiyay,isagoo intaas ku daray in Maanta uu Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa  taaganyahay halkii ugu Fiicnayd tan iyo Xiligii Gumaysigii Ingriiska.

Wasiirku Wasaarada Caafimaadku waxa uu sheegay in Wasaaradiisu ay Bilowday inay u fidiso Adeeg qaliin oo lacag la’aan ah Hooyooyinka ay ku Dheeraato waqtiga Dhalmadu,waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday in markii u horaysay ay bilaash ama lacag la’aan ay ka dhigeen Qaliinada lagu sameeyo hooyooyinka fooshu ku raagto taas oo uu ku sheegay fursad aad u wanaagsan.

Waxa kale oo halkaasi Ka hadlayay Masuuliyiin ka Tirsan Gudida Madaxa bannaan ee Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa kuwaas oo dhamaan sheegay sida ay ugu Faraxsanayahiin Hawlaha Caafimaad ee wakhti Xaadirka ka socdo Cisbitaalka Guud  ee Magaalada Hargeisa.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories