HomeWasiirka Caafimaadka oo Iclaamiyey Bilowga Todobaadka Naas-nuujinta Caalamka, kana hadlay Muuhiimadda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo Iclaamiyey Bilowga Todobaadka Naas-nuujinta Caalamka, kana hadlay Muuhiimadda ay u leedahay nolosha iyo Koritaanka Maskaxeed ee Ilmaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaarka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa iclaamiyay todobaadka naas-nuujinta caalamka oo sannad walba loo dabbaal-dego usbuuca u horeeya bisha August oo sannadkan ku beegan sannad-guuradii 21aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la asteeyey Xuskan.

Wasiirku waxa uu hooyooyinka iyo guud ahaan bulshadda ku booriyay inay fahmaan ahmiyadda naas-nuujinta u leedahay nolosha ilmaha yar iyo Koritaankiisa maskaxeed iyo jidheed, taas oo uu wasiirku xusay in ilmaha yar oo lixda bilood ee u horreeya la siiyo Naaska hooyada ay qayb laxaad leh ka qaadato yaraynta dhimashada Carruurta.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Caafimadku, isla markaana uu arrintan kaga hadlay, ayaa u qornaa sidan:

xaglo“Toddobaadka Naasnuujinta Caalamka waxa laga xusaa dhammaan waddamada adduunka sannadkasta toddobaadka ugu horreeya ee bishan August . Xuska sannadkani waa sannadguuradii 21-aad ee toddobadka naas nuujinta caalamka. Ahmiyadda loo abuuray xuska toddobaadka caalamka ee naasnuujintu waa in lagu baraarujiyo bulshada waxtarka ay naasnuujintu u leedahay ilmaha yar, hooyada, qoyska iyo guud ahaan qaranka, iyo xaqiijinta taageerada iyo dhiirigelinta dawladda sidii loo hirgelin lahaa naasnuujinta habboon.

Hal ku dhegga sannadkan ee toddobaadka naasnuujinta caalamku, waxa uu culayska saarayaa dhiirigelinta iyo taageerada naasnuujinta oo ah xil saaran cid kasta oo xidhiidh dhow la leh hooyada. Taas waxa looga jeedaa in la helo tabarucayaal ka siiya hooyada taageero iyo talo sidii ay hooyadu ugu guuleysan lahayd naasnuujinta habboon.Waxa kale oo looga jeedaa in xubnaha kale ee qoyska sida aabbaha iyo ayeeyada ilmaha, iyo xubnaha kale ee qoysku si buuxda uga caawiyaan hooyada in ay ku guuleysato naasnuujinta habboon. Sida oo kale waxa uu halkudheggu xusayaa kaalinta muhiimka ah ee looga baahan yahay culimada diinta,saaxiibbada xidhiidhka dhow la leh hooyada iyo ururada bulshada ee ku waajahan dhiirigelinta iyo taageersita naasnuujinta.

Waxaa cilmi baadhisyo lagu xaqiijiyey in abuurista iyo hawlgelinta kooxo taageera naasnuujinta bulshada dhexdeeda ay ka qaadato qayb laxaad leh ku guuleysiga naasnuujinta habboon ee hooyada.

Faa’iidooyinka Naasnuujinta

Siinta ilmaha caanaha naaska hooyada oo keliya lixda bilood ee ugu horreeya dhalashada ilmaha iyadoon waxa kala loogu darin, iyo u sii wadidda caanaha naaska illaa 12-ka bilood ee u horreeya nolosha ilmaha waa habka ugu habboon ee lagu yareyn karo dhimashada Carruurta. Cilmi baadhis dhowaan lagu sameeyey goobo kala duwan oo caalamka ah ayaa lagu xaqiijiyey in naasnuujinta keligeed oo aan waxba loogu darin lixda bilood ee ugu horreysa nolosha ilmaha lagu yareyn karo boqolkiiba 13 dhimashada carrurta ka yar shan sano.

Caanaha naaska hooyada waxa uu ilmuhu ka helaa nafaqo dheellitiran oo suurogelisa korriinka habboon ee jidhka iyo maskaxda ilmaha, taasoo u sahasha waxbarashada iyo in uu noqdo qof waxtar u leh ummadda iyo qarankaba.

Naasnuujintu waxa ay yareysaa waxyeelleynta degaanka iyadoo yareysa qashinka caagagga iyo wixii la mid ah ee loo isticmaalo ku quudinta ilmaha waxyaabaha beddela caanaha hooyda.

Naasnuujintu wax ay suurtogelisaa in ay hooyadu ka soo kabato jidh ahaan iyo maskax ahaanba dhalamadii, yareysaa dhiigbaxa dhalmada ka dib,yareysaa umulraaca hooyada 20%, kana hortagtaa cudurrada xubnaha taranka qaarkood iyo kansarka naasaha.”

SOMALILANDPOST.INFO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories