HomeWasiirka Caafimaadka oo Go’aan Kama-dambays ah ka soo saaray Baahinta Xayaysiisyada Adeegyada...

Wasiirka Caafimaadka oo Go’aan Kama-dambays ah ka soo saaray Baahinta Xayaysiisyada Adeegyada Caafimaad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaaka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed, ayaa markii u horeysay go’aan muddeysan ka soo saaray baahinta Xayaysiinta iyo Ogeysiinta Adeegyada Caafimaadka ee ay bixinayaa cusbitaallada iyo goobaha kale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu sheegay laga bilaabo bishan 9-keeda aan la baahin karin Xayaysiisyada Caafimaad ee aan oggolaanshiyaha ka haysan isla markaana aan soo marin xafiiska warbaahinta ee wasaaradda Caafimaadka.

xaglatoosiye (2)Wareegtadan ayaa u qornayd sidan:- “Waxaanu ku war-gelinaynaa dhammaan Shirkadaha is-gaadhsiinta, Idaacadda, Wargeysyada, Warbaahinta muuqaal-aragga, Mareegaha iyo Degellada Wararka iyo Guud ahaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta, in la mabnuucay sii-deynta Xayeysiiyada la xidhiidha farriimaha Caafimaadka iyo daawaynta dadka ee aan soo marin qaybta is-gaadhsiinta ee wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland.

-Markaanu ogaannay in warbaahinta laga sii daayo dad aan khibrad caafimaad u lahayn, kana haysan ogolaansho ruqsadeed wasaaradda Caafimaadka, taas oo mushkilad ku keeni karta bulshadeenna.

-Markaanu eegnay farriimaha caafimaadka ee laga sii daayo in aanay waafaqsanayn siyaasadda iyo shuruucda wasaaradda Caafimaadka.

Waxaanu soo saarnay, wareegtadan oo dhaqan-geli doonta maalinta ay bishu tahay 09/02/2015. Sidaas darteed, waxaanu idin faraynaa inaad fulisaan ku-dhaqanka wareegtadan,” ayaa lagu sheegay wareegtada ka soo baxay xafiiska Wasiirka caafimaadka.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame, ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Caafimaadku 8-deeda bishan bilaabayso ololaha talaalka Cudurka Dabaysha ee Carruurta da’doodu ka yar tahay shanta Sanno, kaas oo socon doona muddo afar maalmood ah.

“Talaalku wuxuu bilaabi doonaa bisha Siddeedeeda, wuxuuna socon doonaa bisha kow iyo tobankeeda, dhammaan waxaan ku wargelinayaa bulsha-weynta inay ogaadaan oo u diyaar-garoobaan.

Waxa kale oo aan ku wargelinayaa shaqaale-weynaha wasaaradda caafimaadka ee kala jooga Lixda gobo lee ay ka kooban tahay inay iyaguna u diyaar-garoobaan sidii ay bulshada u gaadhsiin lahaayeen dawada talaalka iyo Fiitamiinkii la socday oo aanu wada-gaadhsiinnay gobollada dalka,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories