HomeWasiirka Boosaha Oo ka Jawaabay Dhaliilo Mucaaridku u Jeediyeen Xukuumadda

Wasiirka Boosaha Oo ka Jawaabay Dhaliilo Mucaaridku u Jeediyeen Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame (SLpost)-Wasiirka Boosaha iyo Isgaarsiinta ee Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal ayaa maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay gudaha magaalada Boorama waxa uu gaashaanka u daruuray waxa uu ugu yeedhay hadalada ka soo yeedhaya mucaaridka eek u aadan dhinaca dhismaha waooyinka, waxana uu carabaabay in waqtigani uu yahay waqti hormarineed balse aanau ahayn mid olole doorasho.

Wasiirka oo ka waramaya arintan waxana uu yidhi “Waxa aan wadnaa hormar ku salaysan in dadku dhisan karo wadooyin iyada oo ay xukuumadu garab siinayso, hormarkaasi waxa uu ka bilaabmay Boorama oo markii uu ka hir galay ayuu dalka intiisa kale ku faafay, waana arin ay xukuumadu rabto in laga run sheego oo dalka oo dhan la isku xidho, arinta sidaas ah hadii ay masuuliyiinta WADANI moodayaan in aanay suura gal ahayn waxaan leenahay waa suura gal, waana mid lagu gudo jiro, ma aha olole doorasho, kaambaynkuna waxa uu iman doonaa waqtigiisa, xukuumaduna hada kuma jirto wax kaambayn ah, waxa aan haynaa waa inaan dalka hor marino, sidaasi aawadeed waxa aan leeyahay Gudoomiye ku xigeenka WADANI, hadii aad u haysato inaanan la dhisi karin jidad dhulka ah, waxa aan ku xusuusinayaa in maanta hawada lagu guulaystay in jidad xaga sare ah laga dhiso, anaguna waan taageeraynaa oo waan tiirinaynaa hamiga dadwaynaha ee ah inay jidadka dalka oo dhan isku xidhaan”

Wasiirka-Boosaha

Mar kale waxa uu Wasiir Abgaal farta ku goday hogaanka xisbiga WADANI waxana uu yidhi “Xeerka ay xukuumadu tix raacayso ee dhismaha jidadka waxa ansixiyay gudoomiyaha Baarlamaanka oo ah gudoomiyeha WADANI, xeerkaas ayaana suura galiyay in ay xukuumadu hawaysato jidka dheer ee Ceerigaabo iyo Burco isku xidha, iyada oo ay sidaas tahay in Gudoomiye ku xigeenka WADANI uu xeerkaas xanaf u yeelo, waxa aan u arkaa in WADANI hogaankiisu aanu wada socon, waana arin iyaga u taala anaguse waxa aan wadnaa waa hormar balaadhan.

Ugu dambayntii waxa auu Wasiir Abgaal si ba’an u cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay hadalka aanay mucaaridku u meel dayin ee ay meel walba la taagan yihiin waxana uu yidhi “Jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada ayaad maqlayaa ama arkaysaa iyada oo ay mucaaridku hadal isla soo taagayaan oo ay xukuumadaku duraan oo ay hadalo deel qaaf u badan ku hadaaqaan, hadalkaas waxa aan leeyahay waa laga fiican yahay waxbarashaduna waxa ay mudan tahay in la ixtiraamo oo loo daayo maamuuskeeda, siyaasaduna waxa ay leedahay meelo badan oo lagu gorfeeyo, anagu xukuumad ahaan waxa aan ogol nahay mucaarada wax dhisaysa, waxa aan ogol nahay in lana dhaliilo, waxana aan ogol nahay olole marka waqtigiisa la joogo”

Somalilandpost.net

Borama

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories