HomeWasiirka Biyaha Somaliland Oo Ka Hadlay Wakhtigii Uu Ahaa Khaatumo iyo Sida...

Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Ka Hadlay Wakhtigii Uu Ahaa Khaatumo iyo Sida Fikirkaasi U Shaqayn Waayay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Baashe Cali Jaamac wasiirka biyaha Somaliland ayaa colaada Khaatumo Ku tilmaamay mid aan macno buuran ku fadhiyin, waxaanu sheegay inuu fikirkaas aaminsanaa kana mid ahaa kooxdaasi se uu ka dhaqaaqay markii uu shaqayn waayay.

 

Waxa uu baaq ugu diray inay Somaliland wadahadal la furaan, waxaanu eedaymo u jeediyay Cali Khaliif Galaydh, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Somalinews waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu Khaarumo waan ka mid ahaan jiray, wakhtigii hore dadka deegaanka 80% waa ay matalaysay, laakiin maanta boqolkiiba toban ka yarbay matashaa ayaa laga yaabaa, waayo raga wata ee Cali Khaliif ka midka yahay waxay ka dhigteen waxay naf ahaan ugu danaystaan marna Xamar la’la aado, wax rabitaanka dadka iyo cabashadooda ka jawaabaya maaha, markaas dhaqdhaqaaqa uu ka wado Baligacad, waxa uu uga jeedo wali nuxurkeeda maanu ogaan inuu beesha caalamka is tusaayo iyo inuu leeyahay halaygu cusboonaysiiyo, laakiin dadka deegaanku waxay soo sheegayaan inuu dagaal iyo nabadgalyo daro abaabulayo, Cali Khaliif hada waxa uu matalayaa naftiisa uun ee kama turjimaayo cabashada dadka deegaanka.”

Wasiirka oo hadalkiis sii wataa waxa uu yidhi“Cabashada deegaankaasi waa laba, waa mid jirta iyo mid lagu dar daro, way jirtaa runtii cabasho badan oo loo garaabi karo bariga, way jirtaa in madaxda matasha ee halkan joogtaa aanu sidii la rabay ugu hagarbixin oo Hargeysi imika waxay noqotay Xamar labaad oo marka la soo gaadho sida bariga loogu noqdaaba way adagtahay, wayna jiraan baahiyo iyo dib u dhacyo badan oo gobolada bariga ka jiraa oo aan galbeedka ka jirin,waxaanu ka xukuumad ahana labadan sano ku dadaalaynaa inaanu bariga wax ka qabano.”

Ugu danbayntii waxa uu wasiirku baaq u diray dadka bariga Somaliland“Waxaan dadka deegaankaas leeyahay nabada qaata, waxaad doonaysaan wada hadal ku raadsada, laakiin ma qabo  maanta hadii Khaatumo la’la hado inay deegaankaas wada matasho, waxaanu leenahay fikir hadii lagu guuldaraystaa waa laga hadhaa isaga hadha,waxaanu leenahay nabadgalyo wax halagu raadiyo dadkana yaan dhibaato loo horseedi, waliba Khaatumo colaad macno leh kuma jirto ileen colaada ragu waaba galaaye.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories