HomeWasiirka Beeraha oo sheegay in wasaaraddiisu la wareegtay Mashruuca Xadaynta Beeraha waxba...

Wasiirka Beeraha oo sheegay in wasaaraddiisu la wareegtay Mashruuca Xadaynta Beeraha waxba kama jiraanna ku tilmaamay eedaynta John Drystal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)– Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland  Md. Faarax Cilmi Geedoole ayaa sheegay in mashruucii kala xadaynta beeraha ee uu Mr John Draystal ku eedeeyay in uu Wasiirku kala wareegay uu ahaa mashruuc la joojiyay ka hor intii aanu xilka wasaarada qaban.

blankWasiirku oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxaa uu sheegay in mashruucaasi kala xadyntaa beeraha laga majaro habaabiyay u jeedooyinkiisii, loogana  faa’iidaynin sidii loogu talo galay, isaga oo wasiirku xusay in mashruucani  uu Mr John Draystal doonayo in uu isagu kelidii gacanta ku hayo isla marakaana hay’adihii maal gelinayay  ay joojiyeen.

Faarax Cilmi Geedoole isaga oo ka waramaya wakhtigii  mashruucani uu Somaliland ka bilaaabmay  waxa uu yidhi   “Mashuurcan kala xadaynta beeruhu wuxuu bilaabmay sanadkii 1997-kii wuxuuna socday muddo lagu qiyaasay afar iyo toban sano, mashruucaa waxaa maalgelinayay Hay’ada DENIDA  inkasta  oo markii hore bilawgiisii labada Hay’adood ee UNOPS iyo DRC ay mal gelinayeen hadana mashruucaa intiisa badan waxaa maalgelinaysay hay’ada DANIDA. mashruucaan ma waxaa iska leh cidii maal gellinaysay, mise cidii fulinaysay, mise waxaa leh dawlada Somaliland, mashruuc kasta oo ay dawladi dawlad ugu deeqdo waxaa iska leh dawlada loogu deeqay wasaarada ay doonto  ha ahaatee, markaa mashruucaa waxaa iska leh oo la siiyay dawlada Somaliland. Ayaa mashruuca ilaashanaya, waxaa ilaashanaya laba qof oo kala ah cidii fanka bixinaysay iyo cidii ay siisay in ay gaadhay iyo in kale way ilaashaynaysaa, waxaa kale oo ilaashanaysa dawladii lahayd weliba wasaaradii ay khusaysay oo ah wasaarada Beeraha”.

Wasiirka beeraha Somaliland waxaa kale oo uu sheegay in u jeedooyinkii mashruucan ay ka mid ahayd in shaqaalaha wasaarada beeraha loo tababaro xirfada kala xadaynta beeraha, dadka beeralayda ahna la siiyo shahaadooyin la yidhaahdo shahaadooyinka beeraha “U jeedadii mashruucan loo sameeyay waxay ahayd in wasaarada Beeraha Somaliland loo tababaro  shaqaale xirfad u leh in ay yeeshaan awood ay ku kala xadeeyaan beeraha oo ah dhibaatada ugu badan ee wadanka ka taagan ee ah kala xadaynta madaha beeraha, isla markaana in uu mashruucaasi gaadho dadka beeralaayda ah  ee look ala xadaynayo beeraha in la siiyo shahaadooyin la yidhaahdo shahaadooyinkii beeraha”. Ayuu yidhi Wasiirku.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Mashruucaasi muxuu qabtay  John Drays sida uu ii sheegay markii aan anigu xafiiska imid war qadii ugu horaysay isaga ayaan ka helay, wuxuu igu yidhi waxaan kala xadaynay beero lagu qiyaaso afar iyo toban kun oo beerood (14000) beerood , mashruuca waxaa  la soo shaqaynayay wasiiro lagu qiyaaso ilaa todoba wasiir  oo u kala danbeeyay xilka, waxaa ugu horeeyay wasiir Yaxye waxaana ugu danbeeyay aniga oo hada xafiiska fadhiya”.

Faarax Cilmi Geedoole waxaa uu intaasi ku daray “Hadaba mashruucani ma fuliyay u jeedadii laga lahaa oo dadkii beeralayda ahaa ma gaadhsiiyay shahaadooyinkii, ma tababaray shaqaalihii wasaarada Beeraha,  oo awood ma u yeesheen in ay iyagu maanta beeraha kala xadeeyaan, waayo urur maxali ah oo gaar loo leeyahay haddii la siiyo shaqo oo berina shaqadii ka dhamaatay  oo xirfadii ay noqon waydo mid wasaarada soo gaadha oo wasaarada shaqaaleheedii xirfadii yeeshaan  mashruucaasi wuu hirgalay mar se haddi aanu sidaa u dhicin wuu guuldaraystay.Maxaa uu  mashruucu u guuldaraystay, waxaan idiin sheegayaa in mashruucaa la isku afgaran waayay oo la joojiyay, waxaana mashruucaasi la joojiyay saddex iyo tobankii bishii  January ee sanadkii 2010-kii, waxaana la ogyahay wakhtigii aanu anagu xilka la wareegnay oo ahayd 27-kii bishii 7-aad 2010, waxaana loo joojiyay mashruucan u jeedooyinkii uu lahaa in shahaadooyinka la gaadhsiiyo dadka beeralayda ah , waxaan idiin sheegayaa in afar iyo tobankaa sanoee uu mashruucu socday in aan wax shahaadooyin ah la gaadhsiinin dadka beeralayda ah, waxaa kale oo aan diin sheegayaa xogtii mashruucu lahaa ee ahayd in wasaarada Beeraha lagu soo ururiyo in ay ku filiq san tahay dadkii mashruucan ka shaqaynayay, anigu markaan xafiiska soo fadhiistay waxaan agaasimihii guud oo ahaa Cali Cabdi odowaa ka codsaday  dhamaanba waxa mashaariic wasarada ka socda in uu ii soo gudbiyo, wuxuu iigu daray Cali  Odowaa war bxintiisii in mashruucaa kala xadayntaa beeraha la joojiyay, waxaanan ka codasaday  in uu u yeedho UNDP oo mashruuca masuul ka  ahayd, halkan ayaanu ku kulanay UNDP waxayna ii sheegtay  in uu mashruucu u istaagay John drays oo ka xoogwaynaaday hay’adihii maalgelinayay UNDP DENID iyo wasaaradii beerahaba,  oo marka la damco in mashruuca laga hadlo ama wax laga waydiiyo John in uu u tago madaxwayneyaasha  Cigaal ayuu u tegay  oo uu war qad ka soo qaatay oo la yidhi lalama hadli karo, Rayaale ayuu u tegay  oo isna lalama hadli karo ayuu yidhi, mashruuciina wuxuu noqday mashruuc khatar galay oo u jeedooyinkiisii laga weeciyay  kana faa’iidaysteen dadkii  gacanta ku hayay  oo aan looga faa’iidayn dalka.”

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in markii mashruucani  hay’adihii maal gelinayay ay ka codsaadeen in dib loo furo ay ku xidheen shuruud ah haddii mashruuca uu John Drays fuliyo ay doonayaan aanay furaynin balse haddii ay wasaaradu fulinayso ay furayaan “Mashruucii markaan ka codsaday Hay’adihii maal gelinayay in la noo furo  hal shuruud ayay nagu xidheen, waxaanay yidhaahdeen mashruuca haddii wasaarada Beeruhu fulinayso oo ay awood u leedahay waanu furaynaa, balse haddii  John drays in uu  mashruuca fuliyo aad u dalbanaysaan ma furayno,  hadana waxaan ka codsaday in ay mashruuca noo furan oo aanu anagu fulino, dabadeed waxaan u yeedhay John  oo isagu markii horeba war qadii ugu horaysay  ee aan anigu xafiis ahaan helo ii soo qoray  waraaq daasi oo ahayd in aan ugu dacwiyo in mashruucaasi la furo, waxaanan u tegay Hay’adii  waxaanay igu tidhi haddii aad siinayso qayb ka mid ah mashruuca wasaarada ayay u taalaa, markaan John Drays u sheegayna markii hore wuu diiday sidaasi laakiin markii danbe wuxuu ii soo qoray waraaq uu ku ogolaanayo,  ka dib waxaanu ogaanay in uu John yahay nin daalay oo aan shaqayn karaynin ka dibna xukuumada ayaa talo  ka gashay oo waxaa lagu taliyay in uu daalay ka dibna lacag ayaanu u qornay.” Ayuu yidhi Mr Geedoole.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories