HomeWasiirka Beeraha oo Kormeeray Mashruuca Beerlayda Tog-Wajaale iyo Arrimo uu ka hadlay

Wasiirka Beeraha oo Kormeeray Mashruuca Beerlayda Tog-Wajaale iyo Arrimo uu ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tog-Wajaale (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim maanta booqasho iyo indho indhayn ku tagay Mashruuca Beerista Banka Wajaale.

Wasiirka ayaa waxa kormeerkiisan ku wehelinayey Isuduwaha Gabiley ee wasaaradda Beeraha, iyada oo ujeedada u weyn ee kormeerku ahayd indho indhaynta wax soo saarka Banka Wajaale oo sanadkan wax soo saarkiisu hoos u dhacay sababo la xidhiidha roob yaraan soo wajahday Deegaanka.

Wasiirka Beeraha_Togwajaale (2)Wasiirka Beeraha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in sanadkan roobkii la filayey hoos u dhacay, balse ay ku rajo weyn yihiin in Roobka KARANTU  noqdo mid wax soo saar suurto galiya.

“Roobkii Gu’ga ee Sanadkan aynu sugaynay waxa uu noqday mid aan si fiican u di’in wakhtigan waxa inoo bilaabmay Roobka xilliga xagaaga da’ ee loo yaqaano karanta oo haddii uu sidan ku sii socdo noqon kara mid manaafacaad inoo yeesha oo aynu abaaraha iyo wax soo saarka hoos u dhacay kaga baxno, roobkan oo helay deegaanada Wajaale, Gabiley iyo Dilla ”.

Wasiirka Beeraha_Togwajaale (3)Wasiirka oo Beeralayda la dardaarmayaa waxa uu yidhi “Roobkan Karantu haddii uu sidan ku sii socdo waxa suurto gal noqon karta inaynu wax kala soo baxno biyo fiicana inooga da’o ee aynu ka faa’iidaysano”.

Sanadkan ayaa waxa hoos u dhacay roobkii Gu’ga oo ee la filayey kaasi oo keenay biyo la’aan iyo wax soo saarkii la filayey oo hoos u dhaca, iyada oo wasaaradda beeraha oo dhinaca cimilada dalka u qaabilsan rajaynayso in roobka karantu noqdo mid biyo badan oo wax soo saar lagula yimaado laga helo.

Wasiirka Beeraha_Togwajaale (1)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories