HomeWasiirka Beeraha Oo Baaq Ka Soo Saaray Daadad Iyo Dabaylo Laga Cabsi...

Wasiirka Beeraha Oo Baaq Ka Soo Saaray Daadad Iyo Dabaylo Laga Cabsi Qabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ka ag dhaw xeebaha iyo Goobaha godan ee goobo la saadaaliyey in looga cabsi qabo daadad iyo dabaylo ugu baaqay inay digtoonaan gaar ah yeeshaan oo ay ka foogaadaan meelaha xeebaha ah ee badda u dhaw iyo meelaha taagaga ah.

Shir Jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim iyo Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeruhu Cabdiqani Yuusuf Cabdi ayuu waxa uu wasiirku ku faahfaahiyey cabsida laga qabo daadad iyo dabaylo saamayn ku yeesha dadka degan Gobolada Sanaag, Saaxil iyo Salal.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “ Bulshada waxaan ugu baaqayaa inay digtoonaan ka yeeshaan dabaylo iyo daadad saamayn ku yeesha meelaha togaga ah ee Bariga Somaliland iyo Meelaaha Xeebaha ah”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Meelaha Xeebaha ah dadka ka ag dhaw waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan meelaha togaga ah ee ay biyaha baddu soo gaadhi karaan, sidoo kale dadka dooxyada ama togaga meelaha ah ka ag dhaw ee Beeralayda ah, waxaan ugu baaqayaa inay agabkooda sida Mishiinada iyo wixii la mid ah kala fogaadaan oo ay meelaha taagaga ah tagaan”.

Warbixin ay waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeruhu soo saartay oo ay arrimaha Cimilada xilligan laga filan karo kaga hadashay ayaa waxa ay u dhignayd sidan:-

“Hordhac

Waxaa isbedel weyn laga dareemayey in cimilada wadanku sanadahan dambe isbedel mug weyni uu jiray, isbedelkaasi oo Xafiiska waxaad Saadaasha Hawadda ee Wasaaradda Beeraha u qaabilsan la socodka cimilada dalku uu ururiyey xog balaadhan mudadii Tobankii sanadood ee u dambeysey, iyadoo Xarumo lasocodka cimilada ahna laga sameeyey Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Isbedelkani oo dhinacyo badan taabanayaa ayaa waxaa ugu weyn in Roob yaraan baahsani sanadba sandka ka sii dambeeyey uu sii yaraanayey xaddiga, baaxadda iyo tayadda roobka, kaasi oo sababay in abaaro isdaba jooga ahi dhacaan tusaaale ahaan sanadkan 2015 roobkii Guga,Karanta iyo dayrtii oo iminka aynu badhtankeedii maraynaaba umay di’in sidii caadiga ahayd ama waagii hore lagu yaqaanay.

Roobka Dayrta Octber 2015

Roobkii Deyrta ayaa ka bilowday dalka 17 —20 .October .2015, kuna bilowday jawi fiican iyadoo roobab aad u laxaad badani ka da’een gobo-lada bariga gaar ahaan dhinaca Hawdka Buuhoodle oo waxyeelo gaadhsiiyey deegaano hoos yimaada Degmada WidhWidh. Halka wax roob ahi aanay ka di’in dhinaca Gobolada galbeedka Somaliland bishii la soo dhaafay.

 

Saadaasha bisha November 2015

 

Bilowga bishan November 02/11/2015illaa 07/11/2015waxaaa aad looga cabsi qabaa in ( CHAPALA Storms) oo Gobolada bariga iyo xeebaha Soma-liland la filayo roobab xoog lihi ka di’I doonaan oo sababi kara daadad badanwadanka iyadadoo feejignaan balaadhan la farayo guud sahacabka Somaliland gaar ahaana dadka ku nool xeebaha gobolada Sanaag,Saaxil,iyo Selel ee Jamhuuriyada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories