HomeWasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka Wargeyska Ogaal...

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka Wargeyska Ogaal iyo Weriye kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Xasan Cumar Xasan

Hargeysa, 20 February, 2012 (SLpost)- Ciidamada Booliska magaalada Hargeysa ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka iyo Xisaabaadka Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa Xasan Cumar Xasan.

Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka Wargeyska Ogaal Xasan Cumar Xasan, ayaa amarka lagu xidhay uu bixiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ka dib markii uu Taleefankiisa gacanta kala soo hadlay gelinkii hore ee maanta, isaga oo u sheegay in looga baahan yahay Wasaaradda arrimaha gudaha Xarunteeda Hargeysa, maaddaama oo uu yahay maamulka Ogaal. Iyada oo aan xadhiggiisa wax sharci ah oo loo maray jirin, isla markaana aan wax waaran ah lagu qabay, balse kaliya amarka Xadhiggiisa uu bixiyey Wasiir Duur.

Haseyeeshee, Agaasime Xasan Cumar Xasan markii uu gaadhay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo ku taalla Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa oo madaxtooyada wax yar u jirta, ayuu Wasiir Duur amar ku bixiyey in la qabto, ka dibna intay Ciidammadu qabteen ayaa loo qaaday xarunta Ciidanka dembi-baadhista oo iyaduna ku taalla isla Xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu illaa hadda ku xidhan yahay. Waxa sidoo kale halkaa lagu xidhay Weriye ka tirsan Shabakadda Ramaasnews Maxamed Boosh.

Wasiirka, ayaa Ciidammada uu amarka siiyey u sheegay in loo haysto Xasan war Caddadkii maanta ee Wargeyska Ogaal ku soo baxay oo sheegayey in la sheegay Ciidammo ka tirsan Jabhadda ONLF oo ku soo tabobbartay dalka Eritrea Doon kaga soo degeen Deked dabeeci ah oo ku taalla Xeebta la yidhaahdo Buulla-caddo oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal (Selel). Warkaas oo uu Wargeysku ka soo xigtay mid ka mida Shabakadaha wararka Internet-ka ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa hore ugu hanjabay Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal Xasan Cumar Xasan, waxaana loo malaynayaa in uu kaga dhabeeyey Wasiirku hanjabaaddiisaa hore, maaddaama oo uu sharcigu dhigayo in waxa Wargeys qoro cidda dacwad ka qabtaa kala xidhiidhi karto, waxna ka weydiin karto Tifaftiraha guud ee Wargeska, hase-yeeshee, ma jirin wax xidhiidh ah oo uu Wasiir Duur la soo sameeyey Tifaftiraha Ogaal.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories