HomeWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Federaalka Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Danjire Delil Kedir Bushra oo dhawaan la soo magacaabay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka iyo Safiirka Ethiopia ayaa ka wada-hadlay xaaladaha nabadgelyada iyo horumarinta iskaashiga labada waddan.

“Kulankan ay wada yeesheen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Safiirka Cusub ee Dawladda Federalka Itoobiya ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn Wasiirku u sameeyey Safiirka.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,ayaa safiirka warbixin ka siiyey Nabadgelyada buuxda ee ka jirta Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, horumarka ka socda dalka iyo Iskaashiga ay Somaliland la leedahay wadamada jaarkeeda ah, oo ay ugu horeyso Iskaashiga nabadgelyada.

Safiirka ayaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey, isagoo ku ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyada iyo hanaanka Dumuqraadiyada.

Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa 20-ka bishii March 2023 waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjire Amb Delil Kedir Bushra oo ka mid noqday Danjireyaal Cusub oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia u magacowday waddamo Dhowr ah.

Danjire Bushra ayaa dhalasho ahaan ka soo Jeeda Qoomiyadda Gurage (Uraagada) oo ka tirsan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ee dalka Ethiopia.

Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo la tilmaamo inay yihiin Qoomiyadda Lixaad ee Ugu Badan Dalka Ethiopia, ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 1.9 Milyan, kuwaas oo boqolkiiba 51 ka mid ahi haystaan Diinta Islaamka. Qoomiyadda Uraagada ayaa lagu tiriyaa inay yihiin Dadka majaraha u haya ama hoggaamiya Ganacsiga Dalka Ethiopia.

blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories