HomeWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Joojiyey Bannaan-bax Xisbiyada Mucaaradku ku Baaqeen

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Joojiyey Bannaan-bax Xisbiyada Mucaaradku ku Baaqeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Gudoomiyayaasha Gobollada inay Talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay samayso Mudaharaad aan Sharci ahayn” – Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa maanta shaacisay inay gebi ahaanba joojiyey bannaan-bax ay ku baaqeen xisbiyada Mucaaradka, kaas oo waraaq ay ku codsanayaan shalay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa qoraal ay shalay u gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha kaga codsaday bannaan-bax ay ujeeddadiisa ku sheegeen mid lagu badbaadinayo Somaliland kaddib markii sida ay sheegeen xukuumaddu faro-gelin ku samaysay komishanka Doorashooyinka.

Wasiirka Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa qoraal uu maanta soo saaray oo jawaab u ah warqadda ay xisbiyada Mucaaradku ku dalbadeen bannaan-baxa, ayaa sheegay inaanu sharciga dalka waafaqsanayn bannaan-baxa ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradku oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn isla markaana ka hor-imanaya xeerka nabadgelyada guud ee dalka.

Qoraalka uu Wasiirka Arrimaha Guduhu maanta soo saaray oo lagu socodsiiyey labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, Taliyaha Ciidanka Boolliska isla markaana ogeysiin la siiyey Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka iyo madaxweynaha Somaliland, waxa lagu sheegay in ujeeddada qoraalka Xisbiyada mucaaradku aanay waafaqsanayn Sharciga isla markaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay xaq u leedahay leedahay Oggolaanshaha Mudaharaadyada sida uu dhigayo Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyada Guud.

“Iyadoo la eegaayo Danta Guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga, waxaan go’aansaday in aanan oggolaanin Mudaharaad, cidii isku dayda Abaabul iyo samayn Mudaharaad aan Sharciga waafaqsanayn haysana warqad oggolaanshiyo ah waxay burburinayaan Nabadgelyada Soomaaliland waxaaney ka soo horjeedaan Sharciga Soomaaliland,  si loo hubiyo loona sugo xaalada Nabadgelyada, waxaa la idin faryaa in Mudaharaad aan sharci ahayn uu yahay Sharci daro, Nabadgelyadana lagu waxyeelaynayo,” sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku sheegay qoraalka uu kaga jawaabay bannaan-baxa ay codsadeen xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Waxa kale oo wasiirku intaas ku daray, “Arrinta Doorashada iyo Furitaanka Ururada waxaa jideeyay Xeer No.14/202, Golayaasha Xeer Dejintuna ay oggolaadeen, diidmada Xisbiyada Mucaaradka ayaa dib u dhigaya Doorashada, wakhtina lumineysa”.

Sawirrada Hoose kaga bogo Qoraalka xambaarsan Go’aanka uu maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

blankblank

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories