HomeWasiirka Arrimaha Gudaha oo Xisbiyada Mucaaradka ku eedeeyey inay abaabulayaan falal amni-darro

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xisbiyada Mucaaradka ku eedeeyey inay abaabulayaan falal amni-darro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wax laga xumaado iyo kicin dadweyne ku tilmaantay hadal uu maanta jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xukuumadda ku eedeeyey inay ku hawlan tahay sidii ay u afduubi lahayd Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo maalinta Berri yeelanaya fadhigoodii u horreeyey.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa hadalkiisa maanta ku gooddiyey inay awoodda shacabka adeegsan doonaan waxa uu ku sheegay ‘haddii ay xukuumaddu isku daydo inay marin-habaabiso doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo daba-socda hadalka guddoomiyaha UCID, ayaa sheegay inay tahay arrin aan looga fadhiyin inuu guddoomiyaha Xisbiga UCID ku baaqo dhibaato iyo fawdo aan cidna faa’ido ugu jirin, balse waxa uu sheegay inaanay jiri doonin wax nabad-gelyo-darro ah oo dhici doonta.

Maxamed Kaahin oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani ku eedeeyey inay abaabulayaan ficillo ka dhan ammaanka dalka. Waxa uu sheegay in shaqsiyaad ka tirsan labada xisbi oo ku andacoonaya in xukuumaddu xidh-xidhayso Xildhibaannada baarlamaanka ee garabka is-bahaysiga Mucaaradka ay ku hawlan yihiin falal amni-darro ah.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories