HomeWasiirka Arrimaha Gudaha oo Wareegto ku mamnuucay Mooshinno Xilalka lagaga qaado Maayarrada...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Wareegto ku mamnuucay Mooshinno Xilalka lagaga qaado Maayarrada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Maadaama oo wakhtigii doorashadu soo dhow yahay, wakhtiganna uu dalku ku jiro xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in lays kaashado, wada-jirna looga hortago xaaladaha ina soo wejahay ee cadowgu inoo maleegayo” – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku laalay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee mooshinnada xilalka lagaga qaadayo Maayarrada Goleyaasha Deegaanka 23 degmo doorasho ee dalka.

 

blank

 

Wareegto uu soo saaray wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu ku socodsiiyey Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka iyo Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka 23 degmo doorasho ee dalka isla markaana la ogeysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, maayarrada, ku-xigeennadooda, Xoghayeyaasha Fulinta Dowladaha Hoose, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Guud iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay maadaama muddo-xileedka loo kordhiyey goleyaasha degaanka ka hadhsan tahay muddo-kooban, doorashadii Goleyaasha deegaankanna la galayo dhammaadka sannadkan, aan haba yaraatee la qaban karin kalfadhiyo aan caadi ahayn oo loogu ololeynayo mooshinno xilalka lagaga qaadayo maayarrada dalka.

 

Waxa wareegtada lagu sheegay in Wasaaraddu go’aankan ka qaadatay kaddib markii laga war-helay in qaar ka mid ah xildhibaannada Goleyaasha Degaanka dalku wadaan oo si qaldan u abaabulayaan mooshinno Lagu ridayo maayarrada qaarkood, isla markaana ay xildhibaannadu si badheedh ah ugu xad-gudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka, isla markaana lagu shacabka lagu kicinayo, taas oo sida wareegtada lagu sheegay horseedi karta qalalaase iyo amni-darro waxyeellaysa xasiloonida dalka.

 

Wareegatada Wasiirka oo summaddeedu tahay WAG/XW/490/51/2019 ku taariikheysan maanta oo bishu tahay 22-ka July, 2019, ayaa u qornayd sidan:-

 

Ujeeddo: Mamcuunid Kalfadhi aan Caadi ahayn

 

– Iyadoo lagu jiro sannadkii u dambeeyey xilligii doorashada loo asteeyey oo ah 12/12/2019-ka

 

– Iyadoo Xidhibaannada goleyaasha Degmooyinka qaarkood ay si khaldan oo fowdo ahna u abaabulayaan mooshin lagu ridayo maayarrada.

 

– Iyadoo Xildhibaannada qaarkood ay si badheedh ah xad-gudub ugu samaynayaan xeerarka iyo sharciga dalka iyo waliba kicinta dadweynaha, iyagoo xildhibaannadu arrimaha abaabulaya ay dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan, taasina ay sababi karto iska-horimaad dadweyne iyo nabadgelyo xumo dhaawacaysa Nabadgelyada Guud iyo nidaamka dowladnimo.

 

Haddaba, dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada iyo Degmooyinka waxa la farayaa in aan la qaban karin kal-fadhi aan caadi ahayn oo mooshin loogu ridaayo Maayarrada iyo maayar-ku-xigeennada.

 

– Maadaama oo wakhtigii doorashadu soo dhow yahay, wakhtiganna uu dalku ku jiro xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in lays kaashado, wada-jirna looga hortago xaaladaha ina soo wejahay ee cadowgu inoo maleegayo“. Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa ka dambeeyey kaddib markii aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Wasaaradda u gudbiyeen in loo qabto kalfadhi aan caadi ahayn si xilka uga qaadaan maayaradda magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar oo khilaaf dhexmaray mudaneyaasha Golaha, arrintaas oo sababtay in wasaaraddu waxba ka dhegaysan waydo xildhibaannada dalbaday mooshinka, isla markaana Wasiirku la safto Maayarka iyo ku-xigeenka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories