HomeWasiirka Arrimaha Gudaha oo Soo Af-jaray Khilaaf qul-qulatooyin biyo-la'aaneed ku keenay Caasimadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Soo Af-jaray Khilaaf qul-qulatooyin biyo-la’aaneed ku keenay Caasimadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa  shaaca ka qaaday in Booyadihii shaqo joojinta sameeyay ay xukuumaddu wada hadal kala galayso  lacagtii cashuurta badan ahayd ee ay ka cabanayeen, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay jooojiyaan mudaharaadka iyo rabashadaha ka socday qeybo badan oo ka mid ah Magaaladda Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu maanta la yeeshay Gudida gaadiidlayda Booyadaha caasimadda, waxaanu tilmaamay inay xukuumad ahaan ogol yihiin inay dhegaystay wixii suurto-gal ah ee ku saabsan cashuurtan ay walaaca ka muujiyeen.

waranGuddida booyadleyda ayaa Wasiirka arrimaha gudaha u soo bandhigay cabashadooda oo la xidhiidha cashuur dheeraad ah oo la saaray, waxayna sheegeen in iyadoo hore looga qaadi jiray 75 kun oo shilin, lagu soo rogay inay bixiyaan 4,18000 oo shilin Somaliland ah, taasina aanay bixin Karin, isla-markaana sababta ay u Mudaharaadeen tahay inay cabashadooda muujiyaan.

Wasiirka arrimaha gudaha oo cabashadooda dhageystay, ayaa markaa ka dib u sheegay in Somaliland tahay dawlad, sidaa daraadeedna wixii cabashadooda ah la dhageysanayo, isla-markaana si deggan looga wada hadli doono cashuurta in laga daayo iyo in kale, balse taasi ka hor ay bilaabaan biyo dhaaminta, maadaama oo dadkii ay u dhaamin jireen ay biyo la’aan ka mudaharaadeen.

Wasiirka oo halkaasi ka hadlayey ayaa yidhi “Anniga oo wasiirul Daakhiliga ah, ayaa ka masuul ah, qowlada anniga ayaa ka masuul ah (Cabashadiina), innaga ayaana ka wada hadlayna wixii cabasho ah oo isla eegayna (Cashuurta la idinka qaadayo ee aad bixin kareysaan), laakiin dadkiina u dhaamiya xaafadaha”ayuu yidh wasiir Waran Cadde

Sida la sheegay  in markii uu Wasiirku hadalkaasi jeediyay ay  mudaharaadeyaashii joojiyeen mudaharaadkii isla markaana ay u kala dareereen guryahoodii.

Geesta kalena waxa la sheegay in booyadihii caasimadu ay bilaabeen inay sameeyaan biyo dhaamiskii oo ay bilaabeen shaqadoodii ka dib saddex maalmood oo shaqo joojin ah.

Warku waxa uu intaas ku daray in Laba Qof ay ku dhaawacmeen mudaharaadyadan   kuwaasi oo lagu kala dabiibayo cisbitaalka Manhal ee iyo cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo biyo ;a’aan soo food saartay degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo Gacan-libaax ayaa ka socda degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeya , waxaana kala xidhan jidka Total, mana jiro wax gaadiid ah oo u gudbaya dhinaca Calaamadaha iyo Sayladda midna.

Dadka Mudaharaadaya ayaa walaac ka muujiyay biyo la’aan soo food saartay ka dib shaqo joojinta ay sameeyeen Booyadihii biyaha u dhaamin jiray qeybo badan oo ka mid ah caasimadda oo aan iyagu maalintii saddexaad oo xidhiidh ah aan shaqayn ka dib markii ay ka cowdeen cashuur xad dhaaf ah lagu soo rogay, ayay sheegeen inaanay aqbalaynin inay sii shaqeeyaan maadaama oo culays ay ku tahay cashuurta dawladda dhexe ku soo rogtay.

Qaar ka mid ah booyadaha ayaa dib u bilaabay biyihii ay xaafaha u dhaamin jireen in kasta oo anay si buuxda u hawl-galin booyadahaasi oo ay xaafadihii ay u biyo dhaamin jireen haraadanayd ilaa saddex maalmood.
Dhinaca kale waxa degan caawa meelihii ay mudaharaadku ka dheceen maanta,oo ay dad waynaha biyo la`aantu soo foodsaartay maanta isugu soo baxeen qaybo ka mid ah Hargeysa gaar ahaan koonfurta Hargeysa,inta la ogyahay ilaa laba qof ayaa ku dhaamacmay oo ay haleeshay rasaasta ay ciidamadu ridayeen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories