HomeWasiirka Arrimaha Gudaha oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku tilmaamay inay Ku Saaqideen Mucaaridnimada...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku tilmaamay inay Ku Saaqideen Mucaaridnimada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda arrrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Sheegay inuu aad ula yaabo Rag uu sheegay inay yihiin Siyaasiyiin ku Asqoobay Siyaasadda Somaliland iyo qaabka wax loo Mucaarido, kuwaasoo uu xusay inay sheegaan nabadgelyo-darro aan dalka ka jirin. Waxa uu sidoo kale Waran-cadde sheegay in ay Shacabku ka digtoonaadaan oo hayaanka ay ku jiraan uga leexannin hadallada Ragga uu u arko inay Siyaasadda ku Asqoobeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu sheegay inay jiraan Rag habeen kasta Qubuuraha ka soo qoda Hooyooyinka ay Bulshooyinka Somaliland ka soo tasiirmeen oo qabyaalad iyo reer Hebelnimo dhegta ugu rida dhalinyarada waddanka u soo kacaya oo uu sheegay inaanay u baahnayn in waxaan wanaagsanayn dhegaha loogu rido ama la maqashiiyo.

Cali Maxamed Waran-cadde oo u shalay u warramay Horn Cable TV, waxa uu ugu horreyn ka hadlay waxyaabaha ay kala soo hadleen dawladda Itoobiya oo ay dalkeeda toddobaadkii hore Socdaal ay ku tegeen Wefti uu hoggaaminayaa kaga soo laabteen, waxaanu isagoo ka hadlaya natiijada safarkaas uu yidhi; “Waxaannu u tagnay Itoobiya si aannu ugala soo hadalno Xuduudda labada dal oo muddo yar xidhnayd, sababuhuna waxa weeyaan waxaad la socotaan hareereheenna waxa ka dhacaya iyo gobolka-ba.”

“Markaa, dawlad waliba waxay ku dedaashaa sidii ay dalkeeda iyo Shacabkeeda u ilaalin lahayd, waxa lagama maarmaan ah in la raadiyo habkii nabaddana loo ilaalin lahaa, labada dalna ay isugu socon lahaayeen. Markaa, immika waxaannu wadnaa dedaalkii iyo tabaabushihii arrintaa loo samayn lahaa, waxaanannu filaynaa haddii Allaah yidhaahdo si dhakhso ah baa loo furayaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiir Waran-cadde waxa uu Shacabka Somaliland ku ammaanay sida ay uga qayb-qaataan adkaynta nabadgelyada dalkooda, isagoo Qurbo-joogga reer Somaliland ee dalka dib ugu soo laabtay wakhtigan fasaxa ku ammaanay inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, isla markaana ay Ubadkooda baraan dalkooda hooyo iyo dadkooda oo ay aamminsan yihiin nabadgelyada ka jirta.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mar uu ka hadlayey Siyaasiyiin uu sheegay inay ku asqoobeen siyaasadda oo waxaan jirin sheega sida uu hadalka u dhigey waxa uu yidhi; “Waxyaabahaan la yaabo waxaa ka mid ah Rag waawayn oo aad had iyo jeer TV-yada ka maqlayso oo Balo aan dalkan ka jirin iyo nabadgelyo aan jirin, oo leh; ‘Nabadi ma jirto, nabadgelyo ma jirto.’ Markaa, dadkaa waxaan leeyahay waxaad mooddaa inay Siyaasadda ku asqoobeen oo habkii wax loo mucaaridi lahaa ay ka yar waxaysan tahay!. Waxaan odhan lahaa, Nimcada Illaahay lagama hor-tago, nimcada Illaahay lagama abaal ka daro, waxaan leeyahay hadallada xun-xun ee Warbaahinta la marinayaa ninka siyaasiga ah hoos u dhac waxaan ahayn uma keento.”

“Qaar kale oo waxaad maqlaysaa Habrihii inna dhalay Allaah ha u naxariistee habeen walba ka oo faqaya Qubuuraha oo TV-yada la oo fadhiista haddaannu Beel Heblaayo nahay, oo runtii Dhalinyaradana dhegta ugu ridaya. Raggaa waxaan ku waaninayaa inaanay Shacabkan hayaanka ah ee u hayaanka ah Mustaqbalkooda inay dhawaan gaadhaan inaan la cubbo-dhawrin. Markaa, Shacabkana waxaan leeyahay waa inaad ka digtoonaataan hadallada ciddaan isleeyahay way ku asqoowday Siyaasadda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories