HomeWasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Soo Laabtay Socdaalkii Itoobiya Sheegayna In La...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Soo Laabtay Socdaalkii Itoobiya Sheegayna In La Fududaynaayo Isku Socodka Shacabka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost )- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed WaranCadde oo Safar Shaqo uugu Maqnaa Dalalka Ethiopia Iyo Kenya ayaa Maanta Dalka Dib uugu Soo Laabtay .

Wasiirka oo Galabta Kasoo Degay Madaaarka Egal International ee Caasimada Hargaysa oo warbaahinta Kula Hadlay Qaybta Nasashada ee Madaarkaasi ee VIP-da ayaa ka xog waramay ujeedada safarkiisa Shaqo Iyo Waxyaalaha uga soo qabsoomay.

10399397_10208243976888114_1705825215525152385_n1915267_10208243981648233_7947101906900117135_n

Wasiir Cali Maxamed Waran-Cadde oo arimahaasi ka warbixinaayana waxaa hadala uu ku bilaabay sidan:- 

“Safarkayada Kan waxaanu uugu baxnay dalka Ehtiopia iyo Kenya oo aanu kaga Qayb Galnay Shirar Dhawra Kuwaasoo aanu runtii Natiijo wanaagsan Kala Kulanay .

Ethiopia waxaan kala kulanay wasiiro iyo hay’adaha nabad galyada oo runtii aanu ku wada hadal meeqaam dalkaasi noo dhexeeya iyo ilaaqaadka fiican waxaanu kala hadalay sida loo fududaynayo isku socodka labada dal iyo bulshada labada dawladood, waxaanu kala hadalnay arimaha nabad galyada oo runtii aanu aad iskaga kaashano.

Waxaanu U Gudubnay Dalka Kenya oo isna aanu shir kaga qayb galnay nabad galyada ah oo qaarkood aan loo baahnayn inaanu halkan ka sheegno oo aan wakhtigoodi bislaanin .

Waxaan runtii aad iyo aad aan jeclahay inaan halkan uuga sheego wadankan iyo dalkan reer Somaliland caalamku siday u arkayaan debadaha in laynoo arkayo umad ku caanbaxday nabadgalyo iyo horumar dalwanaagsan iyo nidaam maamul oo runtii aad iyo aad u sareeya . waxaa runtii laynagu majeeranayaa sidaa aynu dawlad iyo shacabba u hananay dalkan hogaamintiisa’ xasiloonidiisa iyo nabadgalyadiisa .

Waxaa Kale oo runtii Xusid mudan waxyaabaha runtii caalamku la dhacsanyahay ee laynagu majeerto ama laynagu maamuusayo waxaa kamida dhaqan aanay afrika lahayn horana aanay u lahaan jirin oo ah inaynu sidayno madaxdeena qarankuna jideeyeen khaas ahaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo inaanaynu ahayn dad ku sifooba ama madaxdeenu ahayn dadku sifoobay kursi jacayl iyo inay xukunka u qabtaan hunguri inay waxka helaan laakiin muuqatay inay u qabtaan xukunka inuu waxtaro dadkiisa iyo dalkiisaba taasina waxay keentay in runtii aad naloo weydiiyo oo la majeerto runtiina ay noqotay duruus Qiimo Leh oo madaxweynaha dalkani u dhigay madaxda ka danbaysa mustaqbalka’ jiilka cusub iyo afrikaba. Inaanu masuulku u iman kursi jacayl iyo inaanu ku negaanin muddo dheer laakiin uu u fikiri karo qofku mudada loo baahanyahay inuu ku maamuusi karo inuu ka tanaasuli hadii ay dhamaato”.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories