HomeWasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka Hadlay Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka Hadlay Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Djibouti(SLpost)-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay arrimaha wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, xaaladda gobolada Sool iyo Sanaag iyo doorashada ka socota dalka Somaliya ee 2016ka.

Wasiirka oo ku sugan magaalada jibouti ee dalkaasi Djibouti ayaa sheegay in wada hadalada Soomaaliya uu sharcigu siiyay xukuumadda Somaliland oo kaliya inay la hadasho,isla markaana ay iyadu arimiheeda kala tashan karto cida ay doonto.

“Sidaad la socotaan wada hadal ayaa u socda Somaliland iyo Somaliya gogashana waxa u fidiyay dawlada Turkiga. Sharciga Somaliland waxa uu siinayaa awooda wada hadalka dawladda oo kaliya waana wada hadalo soo socday ilaa 2012kii, Dawladu iyaddaa xaq u leh haddii ay la tashanayso cid ha ahaato salaadiinta,arimaha bulshada ama shacabka Somaliland.ciddii ku xad gudubtana sharciga ayay is waajahahayaan “Dr Sacad Cali Shire.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Md Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay inaanay Somaliland qayb ka ahayn doorashada  dawlada Fadaralka Somaliya ee 2016-ka.

“Somaliland qayb kama aha dawladda Fadaralka Soomaliya, qaybna kama aha tabaabushaha doorashada 2016ka ee ka socda Somaliya aanay khusayn, Somaliland waxa ay galaysaa doorasho 2017ka tii baarlamaanka iyo Madaxwaynaha .Cidd kasta oo ku guulaysata doorashada 2016ka ka socda Somaliya waanu la galaynaa wada hadalada Somaliya laakiin faragalin mayso qaybna kama aha”ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Somaliland.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu ka hadlay xaalada SOOL iyo SANAAG isagoo sheegay inay cid qalalaase ka waddo amniga goboladaasi balse Somaliland ilaashanayso amnigeeda iyo midnimadeeda.

“Waxa ayaamaha warbaahinta ku jiray samaynta maamul SOOL iyo SANAAG ,Somaliland midnimadeeda ayay ilaashanaysaa raalina kama aha cid soo faragalisa amnigeeda,Somaliland waa wadan degan oo aamin ah ,waxaana amnigeeda faa’ido ku qaba gobolka oo dhan ,wixii Somaliland gudeheeda ka dhalinaya amaan daro waxa uu saamaynaa gobolka oo dhan “Dr Sacad Cali Shire.

Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaliya ayaa wada hadalo u socdeen ilaa 2012kii,kuwaasi oo laga wada hadlayay qadiyada labada dalka,waxaana la sheegay inuu jiro qorshe Turkigu doonayo inuu madaxdhaqameed u bedelayo arimahii wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

 

Somalilandpost.net, Djibouti

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories