HomeWasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay hawlgallo ay Ciidammada Ammaanku shalay illaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay hawlgallo ay Ciidammada Ammaanku shalay illaa xalay ka wadeen Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa ka hadlay hawlgallo ay shalay illaa xalay Ciidammada Boolisku ka wadeen Jidadka Baabuurta Xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Caasimadda Hargeysa.
blankHawlgalladaas oo ahaa kuwo lagu sugayo guud ahaanba nabadgalyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah ee dawladda ayey Boolisku ku hawlanaayeen 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey. Waxa la arkayay Boolis tiro badan oo si xooggan u baadhaya gaadiidka kala duwan ee magaalada u kala gooshaya. Baadhistan ay sameeyeen ciidanka Boolisku ayaanay dadweynuhu hore uga baran inay sameeyaan subaxda hore hawlgallo noocan oo kale ah oo xattaa lagu baadhiyo Haweenka indho-shareerka (Niqaamka) xidhan.
Waxa xusid mudan in shalay ay ku beegnayd sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay maalintii Qaraxyada waaweyn lala beegsaday goobo muhiim ah sida xarunta Madaxtooyada, Safaraaddii Itoobiya ay ku lahayd magaalada Hargeysa iyo Xafiiskii Hay’adda UNDP 29-kii October 2008.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay in hawlgallada Boolisku yihiin kuwo amni oo Ciidammada ammaanka Somaliland ay afar iyo labaatankii saacadoodba sameeyaan ay ka mid tahay. “Ciidanka arrintaasi (qaraxyadii ka dhacay Hargeysa) waxay bartay inaanay dib u seexan oo aanay nasan.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyey; “Waxaad arkaysaa baadhitaanno badan, isla markaa shacabku haka raallii ahaadaan, qofka la baadhayaa yaanu u arkin in isaga wax la yeelayo oo yaanu moodin in isaga loo jeedo.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu shacabka ugu baaqay inaanu qofku isaga ka duwanaan muuqaal ahaan, waxaanu shacabka ka raalligeliyey baadhitaanka socda inay u dulqaataan, isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi. “Laakiin ha dareemo in cadawgiisu dadka dhex socdo oo aanu muuqaal ahaan aanu ka duwanaan, markaa baadhitaanada habeen iyo maalin walba ku soconayaa, waxaan shacabka ka raali-gelinaynaa inay u dulqaataan arrintaas, waayo muuqaal iyo magaca midna kaagama duwana oo waakii geystay dhaawacyada waaweyn.” ayuu ku soo koobay hadalkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories