HomeWasiirka Arrimaha Gudaha oo Iclaamiyey Xilliga la bilaabayo bixinta Kaadhadhka Muwaadiniinta

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Iclaamiyey Xilliga la bilaabayo bixinta Kaadhadhka Muwaadiniinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

waranHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  muddeeyay xilliga ay bixinayaan kana bilaabayaan dalka oo dhan  kaadhka dhalashada muwaadiniinta, isaga oo dhinaca kalena xusay cidda xaqa u leh qaadashada jinsiyadda muwaadinnimada.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu maanta la yeeshay Maayarrada magaalooyinka iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka, kaas oo uu ku soo bandhigay Xeer-nidaame qeexaya qaadashada kaadhka aqoonsiga muwaadiniinta.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa xeer nidaamiyaha qeexaya qaadashada jinsiyada ama dhalashada Somaliland. Kaadhkaasi oo noqon doona Astaanta kaliya ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay dalkan Somaliland, waxa uu hirgalayaa xeer-nidaamiyahani 1-da bisha labaad ee sanadkan 2014. Fulinta xeerkan waxaa ka qayb qaadanaya dhammaan Hay’adaha ku shaqada leh Jinsiyadaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Xisbiyada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo ciddii kale ee Xeerku xaq u siiyo fulinteeda.”

Wasiirka oo ka hadlayey cidda xaqa u leh, xeerkanina muwaadinka u aqoonsan yahay, waxa uu yidhi, “Muwaadin waxa loola jeedaa qof kasta oo ka isiran dadkii degganaa geyiga Somaliland 26-kii June 1960-kiiiyo wixii ka horeeyay iyo Qof si sharciya u qaatay Dhalashada Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sharraxaad ka bixiyey eray-bixinaha uu xeerkani koobsanayo ee lagu dabbaqayo bixinta kaadhka aqoonsiga Muwaadinka, waxaanu yidhi, “Laaji waxa loola jeedaa Qof kasta oo loo aqoonsado qaxooti oo ku sugan dalkan Somaliland. Ajanab, waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn Muwaadin Somaliland ah. Qaan-gaadh, waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo wixii ka badan. Carruur, waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu ka yar tahay 15 sano. Aabba-laawe, waxa loola jeedaa Ilmaha aan la aqoonsan aabihii, balse leh hal waalid oo la yaqaanooo ah hooyadii.

Wasiirku isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu yidhi, “Muwaadinimada u dhalashada ah: waxa muwaadin dhalad Somaliland ah Qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka isiran dadkii Somaliland deganaa 1960-kii. Qofka dhaladka ahi wuxuu qaadan karaa dhalasho waddan kale isaga oo aan luminayn dhalashadiisa Somaliland-nimo. Muwaadin kasta oo Somaliland ah oo ku nool waddamada shisheeye, dhalasho kalena haysta waxa uu qaadan karaa kaadhka dhalashada marka u horaysa ee uu soo galo Dalka Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories