HomeWasiirka Arrimaha Gudaha oo Gudo-galay Kulamo Isu-soo dhawayn ah oo uu la...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gudo-galay Kulamo Isu-soo dhawayn ah oo uu la qaatay Beelaha Ciise iyo Samaroon

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saylac (SLpost)- Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa maanta guda galay xalinta khilaafka ka dhashay doorashadii golaha deegaanka  ee degmada  Saylac oo   jooga isaga iyo Wefti uu hogaaminay shalay socdaal ku tageen

Wasiirka arrimaha Gudaha oo uu weheliyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca Doorashaooyinka iyo axsaabta qaranka Maxamed Muuse Abees iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxay kulan la yeesheen beeshii  cabashada ka qabtay dhismaha Maamulka Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac.

Wasiirka Daakhiliga
Wasiirka Daakhiliga

Kulankaas oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka  ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano ka kala socda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada Siyaasiyiin, wax garad, cuqaal iyo oday dhameedyo ka soo jeeda Beesha degta Gobolka Salal.

Sidoo kale waxaa shirkan goob joog ka ahaa  Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed.

Kulankaas oo gogol xaadh u ah raadinta xal rasmiya oo laga gaadho shaqaaqooyinkii dhawaanta ka dhacay deegaanka Degmada Saylac, ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay  Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed waxaanu ku soo dhaweeyay Wasiirka Socdaalka uu ku yimid Gobolka Salal,isagoo hoosta ka Xariiqay inay caaqil iyo ciroole, salaadiin iyo siyaasiyiiba ay diyaar u yihiin Xal kasta oo lagu furdaamiyo Xanafta ka dhalatay doorashadii Golayaasha Deegaanka .

Sidoo kale  wasiirka Arimaha Gudaha S/land Maxamed Nuur Caraale Duur oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay waajibka u tahay sidii xal nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa khilaafka ka dhex dhashay labada beeleed ee Walaalaha ah ee wada dega isagoo intaas ku daray inaanay Gobolka Salal ka tagayn ilaa ay dhamaystiraan Cabashada dhex taala Magaalada Saylac, intaa ka dib Beesha iyo Wasiirkuba waxay galeen kulan ay albaabadu u xidhan yihiin.

Waxa filayaa, in marka uu dhammaado kulanka weftiga Wasiirka iyo Beesha Ciise, in kulan kale dhexmaro Wasiirka iyo wax-garadka beesha Samaroon oo iyadu isku qaadatay maayarka iyo ku-xigeenka degmada Saylac.

Xaalada Guud ee Magaalada Saylac ayaa aad u degan, ka dib todobaadyadii la soo dhaafay oo uu Muran Cakirani ka dhex taagnaa, taas oo sababtay dhimasha hal qof iyo dhaawac todoba kale ka dib markii ciidamada ammaanka isku dayeen inay xoog ku kala dareeriyaan mudaharaadayaal horjoogay xarunta dawladda Hoose ee magaalada Saylac.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories