HomeWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maayar-xigeenka Caasimadda Hargeysa oo Furay Mashruuc Iftiin-gelin Tamarta...

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maayar-xigeenka Caasimadda Hargeysa oo Furay Mashruuc Iftiin-gelin Tamarta Cadceedda ku Shaqeeya ah oo loo Samaynayo Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)- Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta xadhiga ka jaray mashruuca iftiin-gelinta caasimadda Hargeysa ee tamarta cadceedda ku shaqeeya, oo wasaaradda arrimaha gudahu maalmahii ugu dambeeyey ka waday wadada marta xagga dambe ee cisbitaalka Hargeysa.

Maayar-xigeenka caasimadda Hargeysa oo munaasibaddan furitaanka ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aannu maanta hawsheedii ku jirnaa oo aannu furaynaa birihiina aannu taagnay laydh solar system ah oo wasiirka arrimaha guduhu ugu deeqay caasimadda. Runtii Waxtarkeedana la arki doono kii ugu dambeeyayna aan noqon doonin”

“ILLAAHAY baa mahadleh, waxaan u mahadnaqayaa maayarka iyo maayar ku xigeenka caasimadda oo runtii u tafaxaytay in ay caasimadda bilicdeeda wax ka badalaan oo annagana nagu dhaliyey in aannu ugu deeqno biraha solarta ah oo 2km ah isla markaana ah laydhka ku shaqaynaya tamarta cadceeda oo si casri ah loo dhigay” ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo halkaa hadal ka jeediyay.

Si kasta oo ay tahay Mashruucan ayaa waxa ka soo baxaya warar sheegaya in madmadaw badani ku jiro islamarkaana ay isu seegeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo Golaha deegaanka Caasimadu.

 

Wararka ayaa sheegaya ayaa sheegaya in labaddii cisho ee ugu dambeeyey uu khilaaf aad u cakiran soo kala dhex-galay dawladda Hoose iyo sida oo kale wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ku waasi oo isku maandhaafay sheegashada magaca cidda fulisay mashruuca oo uu wasiir Waran Cadde u diiday in lagu xuso magacooda, balse Maamulka iyo Maayirka Dawladda Hoose-na, ay ku andacoodeen in ay xaq u leeyihiin in ay sheegtaan hirgalinta mashruucan.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan, in Maayirka Caasimadda Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Soltelko iyo xildhibbaano ka tirsan golahaasiba, aanay saaka ka soo xaadirin goobtii xadhiga lagaga jaraayey iyaga ku andacoonaayey in wasiir Waran Cadde uu faro-gelin qaawan ku hayo tan iyo maalintii loo magacaabay xilka wasiirnimo ee arrimaha gudaha Somaliland.

Waxaana wasiir Waran Cadde xadhiga ka jaristiisii mashruucan kula kaliyeystay Maayir xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne, kaasi oo la sheegay in uu hadda ku jiro isu soo dhaweynta khilaafka ba’an ee la xidhiidha xagga maamulka ee u dhaxeeya dawladda Hoose iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Somalilandpost.net
Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories