HomeWasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo safarkiisii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo safarkiisii ugu horeeyay ugu baxay Kiiniya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa ( SLpost) Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ugu baxay dalka Kiiniya, kaasoo la sheegay inuu kaga qayb galayo Shir uu la leeyahay Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageera oo lagaga hadli doono mashruuca New Dealka la yidhaahdo oo ah deeq loogu talogalay wadamada dhaqaalahoodu liito.

Ergayga gaarka ah ee midawga Yurub u qaabilsan Somaliya/Somaliland Ambassador Michele cervone ayaa martiqaad u fidiyay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland si ay uga wadahadlaan wadahadalo ay hore uga yeesheen nidaamka cusub ee loo marayo deeqaha cusub ee ay bixinayaan ee loogu yeedho New Deal.

Wasiir Biixi inta uu joogo Dalka Kiiniya waxa uu kulmi doonaa Madaxda Xafiisyadda Qaramada Midoobay ee ku sugan Dalka Kiiniya, kuwaas oo uu kala xaajoon doono Deeqaha ay Somaliland siin jireen isla markaana uga sii ambaqaadaan xidhiidhkii ay hore ula lahaayeen Somaliland.

images (2)

Sidoo kale, waxa uu Wasiir Biixi gaadhsiin doonaa Madaxda iyo Dublamaasiyiinta beesha Caalamka ee uu la kulmi doono isagoo gaadhsiin doona Farriin ku saabsan Qudbadii Madaxweyne Siilaanyo Akhriyay Ciidal Fidrigii taasoo ku saabsanayd in aanay Somaliland ka qayb gali doonin Shirka Brusels ee Somaliya dhaqaalaha loogu Ururinayo.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Ahmed Yuusuf Suudi ayaa sheegaya in Wasiirku u gudbin doono mawqifka Somaliland ee la xidhiidha barnaamijka Deeqaha Somaliya loo maamulayo ee la yidhaahdo New Deal kaasoo shirka Brussels lagu salayn doono go’aamada ka soo baxa, maadaama nidaamkaasi yahay mid ku cusub qaabka Somaliya loo soo gaadhsiiyo dhaqaalaha la siiyo.

Dhanaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa la filayaa kulamada uu la yeelan doono madaxda Qaramada Midoobay in ay kaga wadahadli doonaan xafiiska cusun ee UNSOM ee qaabilsan siyaasadda Somaliya, kaasoo ay Xukuumadda Somaliland hore u diiday balse sida laga war-qabo iyada oo aan Qaramada midoobay fasax u haysan ka shaqeeya Hargeys.

Si kasta ha ahaatee Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu Dalka dibadiisa u socdaalo tan iyo wakhtigii uu Dalka yimid, isagoo mudadii uu joogay u kuur galayay hawlaha Xafiiska Wasaaradda loo magacaabay.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories