HomeWasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Gaadhey Dalka jabuuti Siwayna...

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Gaadhey Dalka jabuuti Siwayna loogu Soo dhaweeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti(SLpost)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa shalay hadhimo sharafeed ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Agaasimihiisa guud Maxamed Siciid oo socdaal shaqo ku jogs dalkaasi.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed maanta ka soo baxay xarunta wasaaradda Khaarajiga Somaliland, waxaana lagaga xog-waramay meeqaamkii loogu soo dhaweeyay dalka Somaliland la dariska ah ee Jabuuti oo sida la sheegay ay ka wada hadli doonaan xoojinta wax wada qabsiga labada dal.
20131102_113247
“Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Djibouti.

Wasiirka oo ku jira socdaal shaqo oo ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Masar iyo Ingiriiska ayaa ka soo degay 11:00 subaxnimo gegida diyaaradaha dalka DJibouti halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane: Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Shaqada Mudane Cabdi Xussen iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Djibouti.

20131102_142919-300x225

Socdaalkan Wasiirka oo ku weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Mudane Maxamed Xasan Siciid, waxa qado sharaf u sameeyay wasiirka shaqada iyado ay ka soo qayb galeen wasiirro badan oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha dibada, Maaliyada iyo Dhaqaalaha, Arrimaha gudaha, Cadaalada, Miisaaniyada, difaaca, warfaafinta iyo isgaadhsiinta. Waxa kale oo casuumadaasi lagu soo dhawaynayay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka soo qayb galay, gudoomiyaha bangiga, madaxa amniga qaranka, xoghayaha guud ee xukuumada, xoghayaha guud ee xafiiska Raysal wasaaraha, taliyaha bileyska Djibouti, taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyadda, xildhibaano iyo ganacsatada waawayn ee reer Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda dawlada Djibouti, oo wado hadal ka yeelan doonaan si xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.”

Somalilandpost.net

Jabuuti

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories