HomeWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Hoggaamiyaha maamul-goboleedka Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 12 March 2012(SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo sheegay in aanu Somaliland iyo Somalia dhexmari karin wada hadal uu ka maqan yahay maamul-goboleedka Puntland.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka jawaabay hadalka hoggaamiyaha Puntland, ayaa sheegay inaan waxba ka khusayn maamulka Puntland wada-hadal dhexmara Somaliland iyo Somalia, maadaama sida uu sheegay, Puntland tahay maamul maamul-goboleed hoos taga dawladda Soomaaliya. Wasiirka oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Horta waxaanu aad u soo dhaweynaynaa go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee ahaa inay Somaliland iyo Somaliya wada hadal yeeshaan mustaqbalka dhaw,waxaana dhamaaday wakhtigii midowga Somaliya iyo Somaliland ee lixdankii, Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Somaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland, markaa puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TGF-da.”

Wasiirka waxa uu hadalkiisii ku daray “Dhinaca kale ee hadalkan soo baxay ee Somaliland waxay markay ugu haboonaato la hadlaysaa marka ay dawlad Soomaaliyeed oo Soomaaliya oo dhan ka masuul ah rabitaanka shacabkeedana ku fadhida, waxaanu aamisanahay in Gobalka Puntland uu ka mid yahay Soomaaliya markaa waxa arrintan wata dawlada dhexe ee Soomaaliya ama ta immika jirta ama sida  go’aanka ugu qoran ta mustaqbalka la filaayo bisha Auguest wixii ka danbeeya markaa wada hadalka na dhexmarayaa qolodaas ayuu na dhexmarayaa, waxaanu ka wada hadlaynaa danaha shacabka Somaliland iyo Soomaaliya oo ah midawgii barigii hore na dhexmaray Caalamkuna uu taas nagugarab gaalo uu nala faadhiyo oo hawshaas uu nagala shaqeeyo ayaa lagu hishiiyey aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynay.”.

Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu sheegay in uu goboladda bariga ay ka jiraan arrimo u bahaan xal“Qaar ka mida gob;lada bariga Somaliland oo ay ka jiraan arrimo xal u baahan, arrimahaasi waa arrimo khaas u ah shacabka iyo dawlada Somaliland maaha arrin gobol-kale ama cid kale u taala waa arrin khaas u ah Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay inay beesha caalamku ay sheegtay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dawladdood oo waddahadali kara mustaqbalka“Horta arrintaani waa arrin ku cusub oo ku soo biirtay saaxada siyaasadda geeska markii ugu horaysay beesha caalamku waxay si habdhac leh u muujisay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala yihiin laba dawladood oo kala gaara oo beesha caalamku ay diyaar u tahay inay ku taageerto inay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasaddeed markaa arrintaasi waa arrin uu caalamku uu soo dhaweeyay.”

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories