HomeWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dowladda UK oo ay hoggaaminayso safiirka Ingiriiska ee Somaliland, Lizzie Walker.

Danjire Lizzie Walker oo dhawaan dowladda UK u soo magacowday Xafiiskooda Hargeysa, ayaa waraaqda Aqoonsiga u gudbisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxaanay beddeli doontaa Danjire Stuart Brown oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey xilka hayay.

blankSida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Danjire Lizzie waxa ay bogaadisay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo UK.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Essa Kayd Mohamoud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi heer sare ah oo ay hoggaaminayo Amb. Lizzie Walker oo ah madaxa xafiiska UK ee Somaliland. Amb. Lizzie waxay aad uga bogaadisay xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Somaliland iyo UK,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Sidoo kale, Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, ayaa ka hadashay kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo ay ku bogaadisay soo-dhaweynta uu ku qabilay, waxaanay xustay inay ka shaqayn doonto sidii ay u sii wanaajin lahayd xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo UK.

“Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay soo dhawaynta uu Wasiirku igu qaabilay anigoo ah Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa. Waxaan rejaynayaan inaan ka shaqeeyo si aan u dhiso xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya UK iyo Somaliland,” Sidaas waxa barteeda Twitter ku baahisay danjire Lizzie Walker saacado kooban kaddib kulanka dhexmaray wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Danjire Lizzie Walker, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xilka madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa oo ah xafiis qaabilsan xidhiidhka dublaasiyeed ee u dhexeeya labada waddan iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka hirgeliso Somaliland.

Lizzie Walker oo toddobadii sanno ee u dambeeyey ka tirsanayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan, gaar ahaan waaxda Barwaaqo sooranka iyo Horumarinta, ayaa labadii sanno ee u dambeeyey hoggaaminaysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo mashaariicda horumarinta ee dalalka Badhtamaha qaaradda Afrika.

Sidoo kale, danjire Lizzie Walker ayaa hore u soo noqotay Wakiilka Soomaliya u fadhiya Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, iyadoo magaalada Muqdisho ka shaqaynaysay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories