HomeWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Gaadhay Maraykanka oo uu Shirweyne Caalami ah...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Gaadhay Maraykanka oo uu Shirweyne Caalami ah kaga Qayb-galayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Esse Kayd iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.

blankWeftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay ku wehelinayso Ergayga madaxweynaha Somaliland Dr Edna Aadan Ismaaciil oo maanta gaadhay dalka Maraykanka, waxa soo dhaweeyey Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin u dhashay Maraykanka oo u dhaq-dhaqaaqa qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Goth, Guddoomiyaha Ururka Somaliland Recognition Advocate Dr Canab Riyo-raac iyo qaar ka mid jaaliyadda Somaliland ee dhaqan dalkaas.

Ujeeddada socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku tagay dalka Maraykanka ayaa la xidhiidha marti-qaad Somaliland ka heshay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyadoo oo toddobaadka dambe lagu wado inuu dalkaas ku qabsoomo shirweyne ay ka qayb-galayaan madax ka socota in ka badan 100 waddan oo lagu majeerto dowlad-wanaagga iyo nidaamka dimuqraadiyadda.

blankToddobaadyadii u dambeeyey, waxa gudaha Maraykanka ka socday olole sal-ballaadhan oo ku saabsan qadiyadda Somaliland iyo Baaqyo dowladda Maraykanka loogu jeedinayey inay Jamhuuriyadda Somaliland ku marti-qaaddo shirka dalalka Dimuqraadiyiinta ah ee dunida iyo inay wax-ka beddel ku samayso siyaasaddeeda Bariga Afrika isla markaana uu maamulka Madaxweyne Joe Biden hoos u eego qaddiyadda aqoonsi-raadinta iyo Madax-bannaanida Somaliland.

Diblomaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda Maraykanka iyo Aqoonyahanno ka tirsan Ururro ka shaqeeya xidhiidhka iyo Siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa maalmihii u dambeeyey warbaahinta Maraykanka iyo kuwa caalamka ku baahiyey warbixinno ku saabsan faa’iidada ay dowladda Maraykanku u leedahay xidhiidh iyo cilaaqad dhexmara Somaliland oo ku taalla gobol muhiim ah oo ay danaynayaan quwadaha adduunka sida Shiinaha iyo Ruushka oo loollan milatari iyo mid dhaqaale ka dhexeeyo Dowladda Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories