HomeWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Faahfaahiyey Nuxurkii Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Dhiggiisa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Faahfaahiyey Nuxurkii Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Dhiggiisa Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha dalka Kenya iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulankii u horreeyey wada-hadallo muddo labada maalmood qaadanaya oo ay labada waddan kaga wada-xaajoonayaan xoojinta xidhiidhada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Kenya, Uhurru Kenyatta oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo shalay gelinkii dambe ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, waxaana soo-dhaweyn iyo qaabilaad maamuuskeedu sarreeyo kaddib ay labada dhinac kulankooda kaga hadleen arrimo dhowr oo khuseeya danaha labada waddan.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey arrimaha ay ka wada-hadleen labada madaxweyne. Waxa uu wasiirku sheegay inay jiraan kulamo heer wasiir ah oo qayb ka ah wada-hadallada labada dowladood.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanu Safarka Waftiga Madaxweynaha Somaliland ee Madaxweynaha Kenya marti-qaaday khusaynin khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaanu ku dooday inay Somaliland iyo Kenya keliya ka wadahadlayaan danohooda iyaga u dhexeeya.

Muuqaalka Hoose ka daawo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland oo faahfaahinaya kulankii labada madaxweyne.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories