HomeWasiirka Arrimaha Dibadda MALAWI oo Shaaciyey Ujeeddada Socdaalkii uu Somaliland ku yimi

Wasiirka Arrimaha Dibadda MALAWI oo Shaaciyey Ujeeddada Socdaalkii uu Somaliland ku yimi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Eisenhower Mkaka oo booqasho ku jooga Somaliland maalmihii u danbeeyay, ayaa ka hadlay ujeeddada dhabta ah ee uu xambaarsan yahay socdaalka uu ku soo gaadhay Somaliland.

Eisenhower Mkaka oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi Sabtidii toddobaadkan, kaddib markii uu booqasho ku yimi Somaliland, ayaa iska fogeeyay warar lagaga faafiyay baraha bulshada dalka Malawi oo qaarkood sheegayeen inuu diyaarad madaxtooyadda Malawi leedahay oo nooca Jet-ka loo yaqaan ku tegey Somaliland. Balse waxa dedafeeyey arrintaas isagoo warbaahinta la wadaagay tigidhka diyaaradda uu ku yimi Somaliland oo ahayd Ethiopian Airlines.

blankHaseyeeshee Mkaka oo iska difaacaya eedahaa, ayaa sheegay in booqashada uu ku joogo Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay mid rasmi ah, isla markaana wuxuu meesha ka saaray inuu socdaalkiisa u adeegsaday diyaaradda Madaxtooyadda Malawi.

“Waxaan ku joogaa Somaliland socdaal rasmi ah, waxaana ku safray diyaarad ganacsi oo tigidhkayga aan la wadaagay” ayuu yidhi, Mkaka oo u waramay warbaahinta dalka Malawi oo arrimahaa iska difaacaya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Malawi oo waramayay Nyasatimes, wuxuu sharaxaad ka bixiyay ujeeddada safarkiisa, isagoo sheegay in Somaliland ay xidhiidh ahaan aad ugu dhawaatay Malawi si ay u taageerto qaddiyada madax-banaanideeda, maadaama ay Somaliland tahay dal halgan iyo dagaal adag ugu jiri sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen dunida.

“Waxaan ku suganahay Somaliland, waxaan u kuur gelaynaa hawlo xaqiiqo raadin ah. Sida taariikhdu sheegeysona, Somaliland marwalba waxay ahayd qaran gooni ah. Waxay xornimadeeda ka qaadatay 26 June 1960 Boqortooyada Ingiriiska,” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Arrimaha Dibedda Malawi oo ka hadlayey sababta socdaalkiisa Hargeysa.

Wasiir Mkaka waxa uu sheegay in Somaliland maalmo kaddib Baarlamaankeedii u coddeeyay inay ku biirto qeybtii Soomaalida ee Talyaanigu xukumi jiray xilliyadii gumeystaha, taasoo ay ku midoobeen Jamhuuriyadii Dumuqraadiga ee Soomaaliya 1dii Luulyo 1960.

“Laakiin markii ay Soomaaliya noqotay dowlad aan wax xukumi karin, gaar ahaan markii uu dhacay xukunkii Maxamed Siyaad Bare, waxay Somaliland 18-kii May 1991-kii ku dhawaaqday inuu dhammaaday oo ay ka noqotay midowgii ay la gashay Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Mkaka.

Sidaa oo ay tahay wuxuu sheegay in aannay weli jirin dal Aduunka ka mid ah oo si rasmi ah u aqoonsaday tan iyo waqtigaas Somaliland, wuxuuna intaas raaciyay, “in kasta oo qaska iyo fowdada ay Soomaaliya ku jirtay, tani [Somaliland] waxay ay ahayd geeska kaliya ee dalkaas ee sii waday inuu u shaqeeyo sidii qaran caadi ah oo weli ku naaloonaya xasilooni, deganaansho iyo horumarka”.

“Toddobaadkan gudihiisa waxa jiray dhaq-dhaqaaqyo ay wadeen xubno ka tirsan xisbiga ANC ee hoggaamiya dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ay ku raadinayaan sidii ay u ogaan lahaayeen haddii ay jirto waddo lagu taageerayo baaqa aqoonsi-raadinta Somaliland, maadaama 30 sannadood hadda laga soo gudbay.” Sidaas ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Mkaka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Malawi, wuxuu sheegay in Dowladda Kenya todobaadyadii u danbeeyay ay qab ka ahayd qadiyada Somaliland, isagoo xusay in dalka Isutagga Imaaraatka Carabta hore heshiis ula galay Somaliland, iyagoo mashruuc malaayiin dollar ah ku maalgeliyay dhismaha dekedda Berbera ee Caalamiga ah Shirkadda DP World.

Sidoo kale, waxa uu wasiirka khaarajiga Malawi sheegay in jiraan dawlado badan oo xilligan doonaya in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo qadiyadda Aqoonsi ee Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay wada daraasado baadhitaan oo la xidhiidha qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Balse waxa uu wasiirku warbaahinta dalkiisa u sheegay in dowlada Malawi aanay weli mowqif rasmi ah ka qaadan qadiyadda Somaliland, maadaama oo ay doonayso inay wax badan ka ogaato xaqiiqda dhabta ah ee qadiyada aqoonsi-raadinta Somaliland, taasina ay tahay ujeeddada ka dambaysa safarka uu ku yimi Somaliland.

 

@ Arawelo News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories