HomeWasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Dalka ku soo Laabtay Kana Waramay Ujeedada...

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Dalka ku soo Laabtay Kana Waramay Ujeedada Safarkiisa iyo Arrimo Kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay wadamada Kiiniya iyo Itoobiya. Soo guryo noqoshadan waxa Dr. Sacad ku wehelinayey wasiirka gaashaandhiga JSL, Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, xildhibaanno degmada Berbera ka tirsan iyo xubno kale oo ay ka soo wada kicitameen dalka Itoobiya oo ahayd lugta labaad ee safarka wasiirka arrimaha dibada.

Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadu waxa uu ka hadlay ujeedada safarkii uu hogaaminayey ee waddamada Kenya iyo Ethiopia oo uu ku sheegay in uu ahaa safar shaqo iyo isbarasho ah oo ay la soo yeelanayeen hay’adihii ay wada shaqaynta leeyihiin JSL, isaga oo xusay in hay’addihii uu la shaqayn jiray markiii uu joogay wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta uu ku soo wareejiyay soona baray wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Mudane Cali Shoombe.

Wasiirku waxa uu ka jawaabay su’aalo dhawr ah oo saxaafaddu waydiisay waxaana ka mid ahaa dal kugalka Itoobiya ee baasaboorka Somaliland oo dhawaan la joojiyey dad bandanna u cadilan yihiin waxa uga qorshaysan iyo in ay ka soo wada hadleen wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya. Wasiirka oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “Sababta aannu Itoobiya u tagnay ayey ka mid ahayd arrinta dal kugalka Itoobiya , dalkeennu runtii dhibaato badan bay kala kulmeen sidii ay u tagi lahaayeen Itoobiya. Dad badan oo u baahan adeeg caafimaad baa jira, waxa jira arday helay deeqo waxbarasho oo dhibaato kala kulmay baa jira. Waannu kala hadalnay, runtii waxay kalsooni na siiyeen in ay wax ka qabanayaan arrintaas in ay wax ka qabteena waan filayaa”

Dhawaan xukuumadda Somaliland waxay hawada ka saartay oo ay hakisay laanta afka soomaaliga ah ee idaacadda VOA, iyada oo loo cuskaday in ay ka baxday sharci iyo xeer ay Somaliland la gashay. Waxa jira warar soo baxayey oo sheegayey in safaaradda maraykanka ee Nairobi fadhida iyo wasiirka arrimaha dibada Somialiland iyada oo ka wada hadlay sii daynta iyo sababta loo xidhay idaacadaas. Wasiirka oo arrintaas ka jawaabaya ayaa waxa uu sheegay in ay safaaradda wada kulmeen laakiin aannay markii hore ujeedada ay u kulmeen ka mid ahayn arrinta idaacaddu loona sheegay iyaga oo kulankoodu socdo, waxaanna uu wasiirku ku gaabsaday in arrinkaa wax laga waydiiyo shaqadeedana ay tahay wasaaradda warfaafinta JSL “Horta waan maqlay in la xidhay, laakiin sababaha lagu xidhay waxa ay u taalaa wasaaradda arrimaha dibada. Sida uu dastuurkeennu qorayana saxaafaddu waa xor laakiin dee sharciyaa jira, VOA waa hay’ad ajanabi ah oo waddankeena sharci kaga shaqaysa, sharciga ay jabisayna anigu hadda ma kuu sheegi karo laakiin waa arrin u baahan in laga waraysto wasaaradda warfaafinta. Safaaradda Maraykanka waannu kulannay, fadhi wanaagsan ayaannu wada yeelanay, laakiin annaga oo la fadhina ayaa loo soo sheegay in la xidhay, laakiin dee kolay la iskama xidhine sababta loo xidhay waa arrin la waydiin doono wasaaradda macluumaadka” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Wasiirku isaga oo ka hadlaya lacagta qaadhaan bixiyayaashu siiyaan Somaliland, gaar ahaan kharashaadka lagu socodsiinayo diiwaangelinta codbixiyayaasha oo aan wali la soo dayn, islamarkaana ay jiraan kulamo ay waftiga Somaliland Nairobi kula soo yeesheen ayaa waxa uu yidhi “Dhawr jeer baannu kala hadalnay arrinkaa, gaar ahaan lacagta diiwaangelinta. Marbaa jirtay laga shiki qabay in ay lacagtu soo wada dhamaato, laakiin imika warkaanu hayno iyo kalsoonida lana siiyeyba waxa weeyaan in lacagtaasi diyaar tahay dibna aannay u dhacayn diiwaangelinta doorashadu”

 

Somalilandpost.net
Hargeys- Somaliland

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories