HomeWasiirka Arrimaha Dibada Oo Sharaxay Sababaha Hor-taagan Aqoonsiga Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Sharaxay Sababaha Hor-taagan Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey Caqabado kala duwan oo uu sheegay inay sal u yihiin aqoonsi la’aanta Somaliland iyo weliba Saxeexa ay Codsiga saxeexeen Hal Milyan, Koow iyo Labaatan Kun oo Qof oo reer Somaliland ah, kaasoo ay ku dalbanayaan Aqoonsi ay Beesha Caalamku siiso.

 

sacad(25)

 

“25-ka sannadood ee ay Somaliland gooni u taagnayd waxaan wanaag ahayn kumay soo kordhin gobolka iyo Geeska Afrika, tusaale wanaagsan baynu ahayn, kiis Maxkamad la geeyey iyo cid innaga cabanaysaa midna ma jirto 25-kaa sano, haddii la inna ictiraafana wanaaggeennu intaa way ka sii badnaan lahaa, saamayntiisuna way ka sii badan lahayd. Waxaa jira waddamo badan oo innala jecel in la ictiraafo, laakiin mararka qaarkood ka baqaaya maxaa lagu odhan doonaa? Isticmaarkii baad soo celisay baa lagu odhan doonaa, waddan xoog leh oo awood wax ku burburinaya ayaad tahay baa lagu odhan doonaa. Laakiin, hadduu waddan taageero wax xaq ah waxaan wanaag ahayn.” Soda ayuu ku dooray Wasiirku.

 

 

Wasiir Sacad oo sii sharraxaya caqabadaha aqoonsi la’aanta salka u ah, waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Haddaynu nahay Somaliland Aqoonsiga iyo Ictiraafka maynaan maal-gashan, ictiraafku waa shay qaaliya, innagana waxa la innooga baahan yahay inaynu maalgashanno oo qiimaynta iyo mudnaanta uu leeyahay aynu siinno. Innagoo ka shiidaal qaadanayna Codsigan Maanta inaynu caalamka meel kasta oo aynu ka joogno codsigan codsi la mid ah ay Qurbo-jooggeenna iyo Saaxiibbadood ka sameeyaan. Waxaynu u baahannahay inaynu abuurno Sanduuqa Ictiraafka, oo dadweyne iyo dowlad-ba aynu kaga qaybgalno oo Ganacsatada, dadweynaha iyo Qurbo jooggu ka qaygalaan, Miisaaniyadda lafteeda ugu yaraan Boqolkiiba Shan illaa Boqolkiiba Toban in loo qoondeeyo qadiyadda Ictiraafka…”

 

 

“Codsigan ay soo saxeexeen inta ka badan Halka Milyan ee Qof inaanu qolkan uun ku ekaannin ee aynu caalamka gaadhsiinno, Qaramada Midoobay gaadhsiinno, Midawga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Midawga Yurub iyo waddan kasta waa inaynu gaadhsiinno oo caalamku dareemo halkay dadkeennu ka taagan yihiin qaddiyadda gooni-isu-taagga iyo Ictiraafka, Caalamkana waxaan ka codsanaynaa inay tix-geliyaan Codsiga Dadka. Waxaanan uga digaynaa inay dhabarka innoo soo jeediyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories