HomeWasiirka Arrimaha Debadda Oo Jawaab Ka bixiyay Eedaymo uu u soo jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Debadda Oo Jawaab Ka bixiyay Eedaymo uu u soo jeediyay Agaasimihii wasaaraddaas oo is casilay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 13 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedo uu  maanta u jeediyay Agaasimihii Guud ee wasaaraddaasi Maxamuud Raage, oo  ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu wasaaradaasi ka hayay.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay Agaasimaha Guud inay shaqada wasaaradaasi ku adkayd isla markaana uu ka soo bixi waayay waajibaadkiisii shaqo.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey Wariye Cumar Maxamed Faarax, waxaanu yidhi, “Agaasimaha Guud Maxamuud Raage, runtii mudadii yarayd ee koobnayd ee aanu wada shaqaynaynay shaqada Wasaaraddu way ku adkayd dhibaato xoog lihina way ka haysatay oo wuu ku haftay. Wasaaradda Arrimaha dibadduna waa wasaarad balaadhan oo la shaqaysa beesha caalamka, Ha’yadaha qarammadda Midoobay iyo Urur-goboleedyadaba. Markaa qofka Agaasimaha Guud noqonaya waxa laga doonayaa karti iyo aqoon.”

 “Agaasimaha markii aanu aragnay inay ku adag tahay hawsha wasaaraddu gaar ahaan xidhiidhada iyo luuqaduba, waxaanu garanay inaanu  caawino oo waanu taageeraynay, mana jirin wax dhibaato ah oo aanu ku haynay laakiin markii shaqadii ku adkaatay ee ay ka hor timid waa kan maanta iska casilay xilkii, waxaan u rajaynayaa waa nin dhalinyaro ahe’e inuu mustaqbalkiisa ku guulaysto oo uu shaqo kale oo uu ka soo bixi karo qabto,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in Agaasimaha Guud ahaa masuulkii  hawshiisa ay ahayd isku dubo-ridka hawlaha wasaaradda hase yeeshee  aanu Agaasimihiisu aqoon u lahayn shaqada uu hayay.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aanu weydiinay su’aal ahayd waxa ka jira inuu leeyahay  urur siyaasadeedka NASIYE oo Agaasimuhu ku eedeeyay, waxa uu ku jawaabay  “Anigu waxaan ka tirsanaa madaxdii xisbiga Talladda haya ee KULMIYE oo aan ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyay inuu xisbigu ku guulaysto madaxtinimada dalka, walina waxaan ka tirsan nahay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE. Mana jirto wax urur ah oo kale oo aan ku jiro ama samaystay.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka jawaabay eed la xidhiidhay in xafiisyadii dalalka dibada ay Somaliland ku lahayd ay xidhmeen, waxaanu yidhi “Xukuumaddu dalka ay ka furanayso xafiis iyo halka aanay ka furanayn waa siyaasad xukuumadeed way jiraan xafiisyadii Somaliland, kuwo kale oo aan loo baahnayna waanu baabiinay.  waxaanu qaadanay meelaha aan  looga baahnayn wakiil ama xafiis aanu xidhno.”

Wasiirku waxa kale oo uu beeniyay eedo musuq maasuq oo agaasimaha is-casilay u soo jeediyay, waxaanu arrintaasi ku sifeeyay been abuur uu ku sababaynayo fashilaada ka soo wajahday shaqadiisa.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories