HomeWasiirka Arimaha Gudaha oo Xisbiyadda mucaaridka ah ku Eedeeyay inay qandaraas fawdo...

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Xisbiyadda mucaaridka ah ku Eedeeyay inay qandaraas fawdo abuur ah soo qaateen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si adag uga hadlay shir beeleedka xisbiyada Mucaaradka ahi qaban-qaabinayaan, waxaanu sheegay in shirkaasi dhibaato ammaan darro dalka ka abuuri karo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in aanay dawladdu ogolaanaynin in dalka lagu qabto wax sharciga iyo dastuurka dalka u yaala khilaafsan.

Wasiirka oo ka hadlaya dedaalo Dawladda Xamar ku doonayso inay khalkhal kaga abuurto Somaliland, ayaa yidhi “Cadawga Somaliland ay leedahay ee ugu horeyaa waa Dawlada Soomaaliya ka dhisan, waxay wadaan, gaar ahaan Madaxweynahoodu in ay Somaliland ka dhex abuuraan fad-qalalo siyaasadeed oo deganaansho la’aaneed, sidaasi awgeed, waxay dalka gudihiisa ka dhex abuurayaan Kooxo reer Somaliland ah oo ay duufsadeen, balse aanaan garanayn sababta ay u duufsadeen, kuwaasi oo ay doonayaan ay sidda Soomaaliya oo kale dalkeena ka dhigaan, oo ay ka dhex abuuraan muran siyaasadeed, waayo dalka Soomaaliya halkaasi waxa gaadhsiiyey muran siyaasadeed iyo mid madaxnimo, in taasi oo kale ay dalka laga abuurayo ayaanu caddeyn ku haynaa oo waliba lagu bixiyey hanti faro badan.”

waran

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray “Tallo badan ayaa lagu bixiyey, si dadka reer Somaliland la iskaga horkeeno si degenaansho la’aan looga dhex abuuro, innagu waxaynu sameysnay si arrimahasi uga baxsano nidaam iyo dastuur iyo sharci, markaa haddii sharcigaasi laga gudbo waxa u suurto galaysa dadka cadawga wakiilka u ah inay ku guulsaytaan inay Somaliland ay la mid noqoto Soomaaliya, laakiin ILLAAHAY ayeynu taasi ka hoos galnay innaguna waxaynu nahay dad soo jeeda.”

Cali Maxamed Waran-cadde waxa kale oo uu sheegay “Beryahan dambe waxaan maqlayey arrimo aan dalkeena dhaqan u ahayn, oo ah in nidaamkii dawladnimo inta laga booday la yidhaahdo waxa la qabanayaa shirweyne Qaran ee ha la isugu yimaado, laakiin anigu arrintaasi waxaan u arkaa inay horseed u tahay in dalkan laga abuurro fadqalalo oo cadawgu u maleego dibin-daabyo, waxaan leeyahay dadka leh maalin heblaayo ayaanu fawdo qabanaynaa ama maalin heblaayo ayaanu shir qabanaynaa ama tallo qaran, waxaan leeyahay arrimaha aad wadaan waxay horseed u tahay Fawdo, fawdadaasina waxay ku koobnaan doonta cida ka masuul ah ee ku kacday, dawladuna iyadaa u xil-saaran in cid kasta oo fawdo iyo sharci jabin ka wada in ay ka qabto xil kasta oo uu hayo”

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories