HomeWasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in Farmaajo Lacagtii u badnayd u adeegsaday...

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in Farmaajo Lacagtii u badnayd u adeegsaday khal-khal gelinta amniga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Cabdilaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowladda Farmaajo lacagtii ugu badnayd ku kharash-garaysay sidii ay xasilooni-darro iyo qalalaase siyaasadeed uga abuuri lahayd gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdilaahi Maxamed Nuur ah Aqoonyahan Dhalinyar ah oo Raysal-wasaaraha Soomaaliya toddobaadkii hore u magacaabay xilka Wasiirka Amniga Soomaaliya kaddib markii uu ka qaaday masuulkii xilkaas hayey Xasan Xundubay, ayaa hadalkan ka sheegay kulan Dood ah oo telefishanka Universal ku qabtay magaalada Muqdisho dhawaan.

blank
Cabdilaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Soomaaliya

Cabdilaahi Maxamed Nuur oo toddobaadkan loo dhaariyey xilka Wasiirka Amniga ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in muddadii uu Farmaajo hayey xika madaxweynaha dalkaas uu lacagtii ugu badnayd oo kor u dhaafaysa Malaayiin Dollar ku bixiyey inuu gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ka abuuro khal-khal nabadgelyo darro isagoo adeegsanaya shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo xilalka ka haya dowladda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale lacagahaas loo adeegsaday burburinta maamul-goboleedyada Soomaaliya qaarkood oo ay ku jiraan Puntland, Galmudug, Jubaland iyo qaar kale.

Wasiirka Amniga Soomaaliya waxa uu sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya lacagaha lagala baxay Baanka iyo Shaqsiyaadka lacagaha loogu dhiibay inay nabadgelyo-darro iyo iska horkeen shacab ka sameeyaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

“Waxa jira lacago badan oo sifo khaldan loo isticmaalay. Waxa nasiib-darro ah in lacagahaas intooda badan loo isticmaalay burburinta dowlad-goboleedyada iyo Somaliland. Waxaanu haynaa lacago aad u faro-badan oo lagu bixiyey iyo ciddii ka qaadday khasnadda dhexe iyo boorsooyinka lagu keenay oo loo adeegsaday dowlad-goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Maxamed Nuur.

“Dhaqaalaha ugu badan waxa lagu bixiyey Somaliland. Caddeymahoodii waan hayaa oo hadda ayaan kula wadaagi karaa,” ayuu yidhi Wasiirka Amniga Soomaaliya oo weriyaha xilligaas waraysanayay uu weydiiyey haddii uu hayo wax caddeymo ah oo uu u daliishanayo eedaymaha uu u jeediyey Farmaajo iyo dowladdiisa.

blankTan iyo markii sannadkii 2017-kii xillka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka faa’idaysanaya awoodda xilka loo doortay, waxa uu ka badheedhay dagaal ay hagayso siyaasad cadaawad ku dheehan tahay oo uu ula badheedhay Somaliland.

Dagaallada siyaasasadeed ee Farmaajo oo ka shidaal-qaadanaya lacagaha uu wasiirka Amniga Soomaaliya sheegay, ayaa isugu jira qaar lagu faafinayo warar baro-bagaando ah oo waxyeello loogu geysanayo amniga dalka, qaar lagu weerarayo hay’adaha dowladiga, kuwo gaar loo leeyahay iyo masuuliyiinta dowladda qaarkood, waxaana dagaaladan loo adeegsadaa inay fuliyaan shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo qaarkood suxufiyiin yihiin, kuwaas oo si weyn looga yaqaano Baraha Bulshada.

Waxa kale oo dagaalladan ka mid ah qaar lagu leexsanayo deeqaha ay bixiyaan Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka, iyagoo adeegsanaya magacii dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya oo Somaliland ka mid ahaan jirtay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories