HomeWasiiradii Shaqada Ka Tagay oo Ciidamo Ka hor joogaan xafiisyadii ay ka...

Wasiiradii Shaqada Ka Tagay oo Ciidamo Ka hor joogaan xafiisyadii ay ka yaaceen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa taliska Ciidammada Booliska Amar ku siiyey inaanay xubnaha Wasiirrada ah ee xilalkii ay hayeen iska casilay soo geli karin xafiisyada wasaaradihii ay mas’uulka ka ahaayeen tan iyo inta xilalka kala wareegayaan ciddii loo igmadaa. Sida uu wargeyska Hubaal ku helay xogo lagu kalsoon yahay oo la xidhiidha shir uu madaxweynuhu la yeeshay Talisyada kala duwan ee ciidammada dalka, waxa uu ku  faray in ciidammo la dhigo dhammaanba  xarumaha wasaaradaha masuuliyiintoodu is casishay, isla-markaana aan loo oggolaan inay  kasoo ag-wareegaan, maadaama is-casilaadoodu la xidhiidho farriin madaxweynuhu soo jeediyey oo kasoo horjeesteen.

Madaxweynuhu waxa uu muujiyey in xubnaha is-casilay ay suurtogal tahay inay ku  takri falaan hantida umadda ee  ay gacanta ku hayaan, maadaama haatan uu xumaaday xidhiidhkii ay madax-weynaha la lahaayeen, waxaana tallaabada xarumaha wasiirradaasi ka hawl-geli jireen lagaga mam-nuucay uu madaxweynuhu uga gol leeyahay sidii looga ilaalin lahaa inay saxeexyo hor leh sameeyaan kadib iscasilaadooda.  Taliyaha Ciidamada Booliska, ayaa arrintaas kaga jawaabay hawraarsan, waxana dhammaan wasaaradaha Mas’uuliyiintoodu is-casishay la dhigay Ciidamo Boolis iyo asluub iskugu jira, kuwaas heegan sare ku jirey, isla-markaana amar ku qaba inaan mas’uuliyiinta is-casishay goobahaas foodda gelin Karin. Xarumaha Ciidammada la dhigay ayaa waxa kamid ah, wasaaradaha Caddaaladda, Shaqada , Hawlaha GuudGaadiidka iyo GuryeyntaArrimaha DibaddaCaddaaladda iyo Garsoorka oo iyada la dul dhigay Tiro katirsan Ciidamada Asluubta, maadaama Ciidankaasi si gaar wasaaradaas u hoos yimaadaan dhinaca shaqada. Hoggaanka hawlgelinta ee ciidanka asluubta Somaliland gaashaanle Sare Cabdi Xasan Caduur iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa hadhgalkii shalayba waxa ay la wareegeen xarunta wasaaradda caddaalada iyo arrimaha garsoorka oo ka mid ah wasaarradaha ay wasiirradoodu iscasileen. Wasaaraddan oo ciidanka asluubta xidhiidh wada shaqayni ka dhexeeyo isla markaana ay yaalaan xogaha amni ee xabsiyada dalka iyo maxaabiista ayaa taliska asluubtu la wareegay ammaankeeda, si aanay ugu dhicin baylah iyo bililiqo dhinacuu doono haka yimaadee ku timaada hay’adaasi.

Wararka qaarkood, ayaa sheegaya in xubno wasiirrada iscasilay kamid  oo shalay casarkii isku dayey inay wasaaradaha gudaha u galaan dib loosoo celiyey, maadaama ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamo amar culus qabaa. Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in Baananka dalka ku yaalla iyo xarumaha Xawaaladaha lacagaha laga qaataba la amray inay ka digtoonaadaan inay lacag ku bixiyaansaxeexyada masuuliyiinta xilalka iska casishay, maadaama lagu tuhmayo inay Arrimo gaar u ah  u isticmaalaan Hantida umadda ee ay masuulka ka ahaayeen.  Waa markii ugu horraysay ee Taariikhda Somaliland xubno is casilay amar madaxweyne lagaga hor istaago gelintaanka xarumihii ay masuulka ka ahaayeen, waxana arrintani markhaati ka tahay in xubnahaasi  laga qabo shaki ah inay xatooyo xoolo umadeeda samayn karaan.

 

Source: Hubaal Media

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories