HomeWasiiradii Iscasilay oo Kulan Yeeshay Farriina Bulshada u Diray

Wasiiradii Iscasilay oo Kulan Yeeshay Farriina Bulshada u Diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost) – Qayb ka mid ah raggii shallay iska casillay xukuumadda Kulmiye ayaa maanta shir ay isku waraysanayeen ku qabtay magaalada Hargeysa.

 

Wasiiradii  hore ee madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa si kooban uga hadlay kulankan ay xubnihii shalay iscasilay ay Hargeysa ku yeesheen, waxaanay sheegeen inay ka arrinsanayeen qorshahooda Kulmiye.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu saxaafadda u sheegay inay xisbiga Kulmiye yihiin, kuna kalsoon yihiin inay haystaan aqlabiyadda xisbiga, sidaasina ay jecel yihiin inay kaga tartamaan xisbiga dhexdiisa “ shalay ayaanu xilka ka tagnay, Dawladdan muddo 5 sanno ka badan baanu u soo shaqaynaynay, qarankuna waa qarankayagii waanu sii dhisaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

 

Wasiirku wuxuu bulshada u diray farriin nuxurkeedu yahay inay ammaanka ilaaliyaan, isna dejiyaan “ Wax dhib ahi ma jirto, dadka waxaan ugu baaqayaa inay isdejiyaan oo dadka inoo ilaaliyaan, danteena iyo nabadgalyadeena ayaa ku jirta, anaguna kuwii dalka dhisayay ayaanu nahaye kuwii dalka laga ilaalinayay ma nihin,” ayuu yidhi Xirsi.

https://www.youtube.com/watch?v=pFwjalJufxU

 

Maxamed Biixi Yoonis ayaa isaguna sidoo kale ka hadlay in aan looga baqayn dalka iyo dadkaba in ay fawdo galiyaan balse ay yihiin masuulliyiin dalka lexejeclo ka leh. “Waxaannu nahay dad dalkan nabad u wada, waannu nahay dad waddanka jecel. Annaga ayaa ka lexejeclo badan oo sababta aannu isku casilnayba waa lexejecladaannu dalka ka qabto iyo in aannu badbaadino” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

 

Maxamed Biixi ayaa waxa u sheegtay in ay yihiin mujaahidiin dalkan usoo halgamay “Muwaadiniin dalkan u soo halgamay baannu nahay, diyaarna waxa aannu u nahay in aannu nabadiisa iyo horumarkiisa ka shaqayno” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Maxamed Biixi

https://www.youtube.com/watch?v=3nV_NWQr2kw

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories