HomeWasiiradii C/Rashiid Cali Sharmaarke iyo Saamigii Somaliland - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wasiiradii C/Rashiid Cali Sharmaarke iyo Saamigii Somaliland – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cali coomayKa hore intii aan lagu dhawaaqin dawlada iyo Raysal wasaaraha, ayaa laga codsaday labadii Raysal wasaare ee Somaliland iyo Soomaaliya oo kala ahaa: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo C/laahi Ciise, ayaa laga codsaday inay soo gudbiyaan qoraal ay isku casilayaan si loo soo magacaabo Raysal wasaare cusub oo ee Somaliland iyo Soomaaliya yeelato.

Intaasi ka dib Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa ka biyo diiday qoraalka bilaa shuruuda ah, balse markii la saaray culays fara badan wuu aqbalay inuu qoro waraaqdii is-casilaada. Ka dib waxa fadhiistay Baarlamaankii labada dhinaca oo kala ahaa 33 xubnood oo Somaliland ka socday iyo 90 xubnood oo ka socday Soomaaliya. Markii codka loo qaaday waxay Madaxweyne u doorteen Aadan Cabdulle Cismaan ( Adan Cadde). Ka dibna M/weyne Adan Cadde wuxuu Raysal wasaare u magacaabay C/rashiid Cali Sharmarke. Labaduba waa reer koonfureed (Somaaliya).

Golihii Wasiirrada ee Dawladddii C/Rashiid

Dawladani waxay ka koobnayd 12 Wasiir:

  • Cabdirashiid Cali Sharmarke…. Ra’isal-wasaare
  • Cabdi Xasan Buuni….. Ra’isal-wasaare-ku-xigeen
  • Axmed Xaji Ducaale ….. Wasiirka Beeraha
  • Maxamed X. Ibraahim Cigaal….. Wasiirka Difaaca
  • Cali Garaad Jaamac….. Wasiirka Tacliinta
  • Cabdiqaadir Maxamed Aadan Soobe…. Wasiirka Maaliyadda
  • Cabdillaahi Ciise Maxamuud ….. Wasiirka Arrimaha Dibadda
  • Sheekh Cali Jimcaale….Wasiirka Caafimaadka iyo  Shaqada
  • Sheekh Cabdulle Maxamuud.. Wasiirka Wershadaha iyo Ganacsiga
  • Cali Maxamed Hiraabe……Wasiirka Warfaafinta
  • Cabdirisaaq Xaaji Xuseen….. Wasiirka Arrimaha Gudaha
  • Maxamed Axmed Maxamed….. Wasiirka Caddaaladda

Wasiir-ku-xigeennadii

  • Maxamed Sh. Daahir.. Ku-xigeenka Difaaca
  • Maxamed Cali Dacar…. Ku-xigeenka Arrimaha Dibada
  • Maxamed Isaaq Salaad…..Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha
  • Maxamed Cali…. Ku-xigeenka Waxbarashada
  • Xuseen Cumar Xasan….Ku-xigeenka Beeraha

Saamigii reer Somaliland ka helaan dawladda.

Dawladdii la soo dhisay ee ka koobnayd labada Baarlamaan waxay Somaliland ka heshay:

  • Jaamac C/laahi Qaalib…………….Guddoomiyaha Baarlamaanka
  • Cabdi Xasan Buuni……………………….Raysal-wasaare ku-xigeen
  • Maxamed X. Ibraahim Cigaal…………..…Wasiirka Difaaca
  • Cali Garaad Jaamac………………………….Wasiirka Waxbarashad
  • Axmed X. Ducaale…………………………..Wasiirka Beeraha
  • Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil…………Taliyaha Ciidanka Asluubta

Markii lagu dhawaaqay xubnaha dawlada ka kooban tahay, waxa markiiba saluug weyn iyo guux muujiyey reer Somaliland oo ka biyo diiday inaan si siman wax loo qaybsan, balse reer Soomaaliya wada qaateen xubnihii ugu mihiimsanaa dawlada. Taasina waxay reer somalialand ku calacaleen “ anagaa bilaa shuruud ku raacnay, markaa waa abaalkayo”.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Danjire Qaybe iyo Caalamka……….Sooyaalkii Axmed Maxamed Adan “Qaybe”

Taariikhda Maantu, Waa Siyaasadii Shalay…Maxamed Cabdi Ismaaciil” Digtoorka”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories