HomeWasiir Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo Luqaddii CALAN-CASTA ugu jawaabay Siyaasiyiinta...

Wasiir Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo Luqaddii CALAN-CASTA ugu jawaabay Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaan Maqlayey qaar Axsaabta ka mid ah oo Xisbiga Waddani ka mid yahay oo Jabhad isku bedelay imika mararka qaarna dagaalaba ku dhawaaqa, waayo waan arkayey oo aan Joornaalada ka akhriyey Guddoomiye ku xigeenka oo ah ku simaha guddoomiyaha Axmed Muumin Seed oo leh Somalilan…”

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ahna Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa eedaymo axsaabta mucaaradka ahi u jeediyeen xukuumadda uu ka tirsan yahay kaga jawaabay weedho u muuqda xan-xantayn iyo dagaal-gelin siyaasadeed oo masraxa siyaasadda Somaliland laga isticmaali jiray wakhtigii nidaamka dawladnimo ee dalku hana-qaadka ahaa.

cukuse11121Wasiir Cukuse waxa uu qaar ka tirsan siyaasiyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku sifeeyey inay isku beddeleen Jabhado kacaan barad ah oo dadka ugu baaqay dagaal lagala soo horjeedsado xukuumadda Siilaanyo, laakiin aan waayo-arag ku ahayn Xannuunka iyo dhibaatada dagaalku leeyahay.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa waxa uu ku tilmaamay Xisbiga Waddani mid Jabhad isku bedelay, isaga oo Guddoomiye ku xigeenka Xisbigaasi ugu baaqay inuu xisbiga ka daayo inuu jabhadeeyo sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan Maqlayey qaar Axsaabta ka mid ah oo Xisbiga Waddani ka mid yahay oo Jabhad isku bedelay imika mararka qaarna dagaalaba ku dhawaaqa, waayo waan arkayey oo aan Joornaalada ka akhriyey Guddoomiye ku xigeenka oo ah ku simaha guddoomiyaha Axmed Muumin Seed oo leh Somaliland waa loo soo dagaalamay imikana ha la dagaalamo, xabaddu ma fiicna oo dadka way ku dhacaa waanay dishaa, wax wanaagsanna ma aha wax lagu degdegana ma aha,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii aad doonayso inaan Jabhad samayso horta waa inaad xabaddaas xannuunkeeda dadkii hore u soo maray aad weydiiso, dalkeenuna uma baahna in xabad laga rido dadkiisuna uma baahna, waxa aynu ka hadlaynaa waa Somaliland oo maalin kasta koraysa maskaxda uu ku soo dhacay in Somaliland maanta uu dagaalka ka dhoco, Xisbiga waddanina waxa uu ka soo qayb galay tartanno fara badan oo ururadii ah, waxaanu ka mid yahay saddexda xisbi qaran ee Somaliland, warqaddii uu ku soo baxay ee lagu riday codka ee uu ku gaadhay dimiqraadiyadda ayuunbuu ku gaadhi karaa waxa uu Xisbigaasi doonayo, laakiin kuma gaadhi karo qori caaradii oo markii uu soo baxay ee la aqoonsanayeyna kumay jirin aqoonsigiisa qori caaradii.”

“Markaa waxaan leeyahay fadlan qoriga caaradiisa, dawlad laguma gaadho, doorasho kuma dhacdo oo laguma gaadho, wax lagu degdegana ma aha waananu ka waaninaynaa, Guddoomiye ku xigeenka waddani ee iclaamiyey in dagaalkii sideedamaadkii ay SNM gashay oo kale in dhiig ku daato Somaliland taas ayaan leeyahay, dalkana waa dal doonaya inuu dimuqraadiyad ku gaadho waxa uu doonayo oo ku kala foosa warqad cod ah oo meel lagu rido, waxaan leeyahay Xisbiga waddani waa xisbi diyaar u ah inuu tartan galo ka daa inuu Jamhad noqdo, waanan ka xumahay oo jabhadaha ayaa ku dhawaaqa dagaal.”

Wakhtigii Xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AHU), gaar ahaan sannadihii hore ee dhismaha dawladnimada dalka, siyaasiyiiinta mucaaradka ah ee Xukuumaddiisa ka soo horjeeday oo u badnaa Askar iyo saraakiil milatari oo dagaalladii SNM ka soo qayb-qaatay, ayaa inta badan aragtidooda mucaaridnimo ku muujin jiray Hanjabaaddo iyo mararka qaar oo ay gaadho in rasaas laysku adeegsado, maadaama oo aanay wakhtigaas jirin nidaamka xisbiyada badan isla markaana aan loo bislayn heerka dimuqraadiyadda wakhtigan ka jirta dalka, waxaana raggaas mucaaradka ah loo yaqaanay ama lagu suntay magaca CALAN-CAS oo siyaasiyiinta iy shakhsiyaadka Mucaaradka lagu shaambadayn jiray.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories