HomeWasiir Xirsow Ma Adkid Ee Wax Kaa Jilicsan ayaad Heshsay –W/Q: Cabdi...

Wasiir Xirsow Ma Adkid Ee Wax Kaa Jilicsan ayaad Heshsay –W/Q: Cabdi Xaaji Axmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shalay waxa la daawaday khudbad uu akhriyaayey nin aan xaq u lahayn, waxuu ka hor akhriyey Golaha Dhegeysiga iyo Sacab Tunka. Waa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi oo Golahi ilaalin lahaa sharciga iyo nidaamku ka oggolaaday inuu isagoo Madaxweyne ah u jeediyo khudbad. Ayaan darro waxay tahay lama odhan aasha soco oo intaad u xilsaarantay nooga waran ee dhegtey wada taageyn. Waxa nasiib darro ah in Golaha uu hoggaminaayo nin sugaaya inuu Madaxweyne u tartamo, haddana ku fashilmay hoggaminta Golaha.

Xirsi kol kalay Shirguddoonku ma joojin mey sixin mey odhan ku eekow suáasha waabuu qoslaayey, looga taag waayo Cirro inuu iska qosol meel looga baahan haladeeg iyo nidaam dejin.

Kolkuu aflaagaadeenayey Xildhibaan Buuba ee uu weliba si toos ah u duray Mucaaridada  CIrro, wuu iska qoslaayey, halka waajibku ahaa inuu yidhaahdo jooji aflagaadada oo ku eekow Suáasha. Golaha ayaa xaq u leh su’aalaha, wasiiraduna waxa laga raba inay Jawaab run ah sheegaan, hadday ku cadaato inay been sheegeena waxa waajib ah in dacwad maxkamadeed la hor geeyo. Nidaam ahaan qofku kolka uu Golaha horjoogo waxuu la  mid yahay nin maxkamad horjooga.

Yeelkeede..waxuu Xirsi idhi sidan kolkuu Buubaa u jawaabaayey…

 “waxaa intii aad WADANI gashay ii muuqatey in mucaaradaadu kugu badan tahay ,ma markii aad UCID ahaan jirtay ayaad mucaaridada ilowday?, waxaan ku dhan lahaa odayga WADANI ( Cabdiraxmaan Cirro) macaamiisha ha ka eryine ee mucaaridaada miyir u yeel.

Hadalkaasi ma ahayn mid laga aamuso, waxay ahyd inuu Shirguddoonku siiyo fursad Buubaa uu ka dabo qaato hadday joojin waayeen xadgudubka Xirsi.

Waxu is yidhi ka jawaab Su’aasha Buuba..isago hadal is burinaaya oo caddaynaaya aragtidiisa gaaban iyo sida beentu u gaabiso ayuu yidhi sidan:

Isagoo wasiir Xirsi hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray “ xilka lay ansixiyey ee wasiirka madaxtooyada ayaan hayaa,haddiise ay iskaga khaldantay hogaaminta iyo maamulku ,way kala duwan yihiin oo hogaamiyuhu waa madaxweynaha qaranka ‘aniguna hawl-maalmeedkiisa oo dhan ayaan uga shaqeeya,hadayse kugu cusub tahay oo aad carabka ku balaadhisey xilkaagu wuu ka balaadhan yahay intaas,waxa la yidhi qofkahogaamiyaha ah ayaa jagada sameysta ee jagadu qofka ma sameyso”,taas oo wasiir Xirsi uga jeeday inuu awoodaha faraha badan isagu sameystay.

Bal dib u akhri waxuu ina leeyahay Madaxweynahu hoggaaminta ayuu leeyahay ana Maaareeye ayaan ahay..haddana waxuu halka danbe ka yidhi qofka hogaamiyaha ihi isagaa jagada sameysta ee jagadu qofka ma sameyso…oo waxa uu markiiba buriyey

halkuu lahaa waxaan ahay Maareeye keliya..waxuu qirtay inuu Hoggaamiye yahay oo ah inuu isago hayo xilkuu Madaxweyne Siilanyo loo doortay. Qiraal dambe oo hadhay ma jiro.

Waxa maaanta la gudboon Golaha Dhegeysiga iyo Sacab Tunku inuu tooso oo uu noqdo Golaha Sharcidejinta oo uu talaabo ka qaado arrintan. Waa inuu u qoraa Madaxweynaha in la caddeeyo cidda awoodda hogaaminta siisey Xirsi. WAANA IN MADAXWEYNAHA LAGU SOO OOGAA INUU HAWSHIISA WADI KAREYN OO CID KALE KALE WAREEGTAY.

Xirsi oo cadho iyo calool xumo ka muuqata, wuu qarin kari waayey aargoosiga iyo naxliga qalbigiisa jiifa kolkuu Xildhibaan Baar wax ka weydiisey arrintii xadhiga gabadhi u xidhnayd text ay u soo dirtay. Waxuu ku adkeystay inuu sii wado aflagadada gabadha iyo inuu haweenka oo dhan meel kaga dhacay isagoo u arkaayey xildhibaanka qof ka duwan oo ka hooseysa ragga xildhibaanada ah. Waana mid ku tuseysa fikirka uu ka qabo haweenka. Taassna wuu ka aamuusay Shirgudoonka Qosalka

badani oo qosalbaa ka muuqday.

Waa tan hadalkii Xirsi ee bal akhriso oo u fiirso fikradaha qalbigiisa ku duugan:

Su’aal kale oo ay weydiisey xidlhibaan Baar saciid ayaa iyana ka damqaday,waxayna u dhignayd  “had iyo jeer waa la hadal hayaa xukumada iyo cida kursiga fadhiisata,waxaa dhacday in inan la yidhaahdo Nadra  Maxamed Jaamac oo la yidhi wasiirkay wax ka sheegtay aad xidhay, maxay inantaasi kaga duwan tahay Raga wargeysada wax ku qoraya ee TV-yada ka hadlaya mise waxaa kugu jira nacayb Dumar?.

Wasiir Xirsi wuxuu sheegay in Nadra Maxamed Jaamac oo uu dacweeyay,xidhayna ay aflagaadeysay,kuna kacday fal fawaaxish ah oo aanu ka filayn in xildhibaan Baar wax ka weydiiso (Difaacdo) oo aan ahayn wax haween ku kaco…masuuliyad ayaana I faraysa inaan qofka caynkaas u dhaqmaya inaan sharciga horgeeyo si uu ugu edebsado, Baarna waxaan leeyahay haweenka ayay ahayd inay anshaxa ku dambeeyaan.

Kaligay umay soo dirin fawaaxishada ee waxay u dirtay Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka iyo Marwada koowaad, waana la heli karaa iyadda oo qoraal ah oo shirkadihii soo caddeeyeen”

Arrinkii dhammaadeynay dib ayuu u furay oo waxuu inoo sheegey maanta in Texta uu keligii ku dacweeyey loo diray Madaxweynha, Afada Madaxweynha iyo waa arrin cusub ah Madaxweyne xigeenka. Hadda waxa kaga filnaa arrintani wey dhammaatay bas. Maxuu ceebta ka wadwadaa ayuu ku xumeynaya waa yaab..Ninkani waa yaab ee miyaanu dhaqankeena lahayn sowtaynu ku dhaqano in ceebta la qariyo. Maxuu ka sheegaya aflgaadada oo uu xaarka u marmarinaya madaxda kale hadday isaga la noqotay dacwad maxuu inta kale u sheegaya..yaab iyo yaab.Waa mid uu iyaga ku ceebeynaayo.

Xirsi qudbadda uu akhriyey waxay taabanaysay dhammaan hawlaha xukuumadda waxuu ka hadlay xilka ay hayaan Wasiirada Waxbarashada, Caafimaadka, Macdanta, Gudaha, Difaaca, Maaliyadda, Arrimaha Debedda iwm. Waxa su’aashu ahayd inShirguddoonku joojiyo oo ay yidhaahdaan arrimahaas Wasiiro ayaa u xil saaran oo naaoga waraamaya waxna ka weydiineyna ee tan kuu gaarka nooga waran. Maxay weydiin Wasiirada kale. Xirsi ma ra’iisal Wasaare ayey u arkeyn, ma Madaxweyne ayey u arkeen reer Qoslaaye.. Shir Gudoonow waxaanu idin leenahay Xirsi ma adka ee idinka ka jilicsan.

Madaxweyne Waan kuu duceeya in Illaahay ku tuso ninkan xilka kaala wareegey ee maanta caddeeyey inaanad dalka hogaamin ee uu isagu yahay hoggaamiyaha dhabta ah. Alle ha ku tuso inaad awooddi laaga dhacay soo ceshato ood xilka laguu doortay soo ceshato. Aamiiin.

Cabdi Xaaji Axmed

hargeysawi@ymail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories