Home“Wasiir Xirsi waxaan leeyahay Abti, Afar sanno ayaan ku difaacayay oon lahaa...

“Wasiir Xirsi waxaan leeyahay Abti, Afar sanno ayaan ku difaacayay oon lahaa Waa laga gardaran yahay, maantase kugu difaacii maayo waana arrin meel-ka-dhac wayn ku ah qaranimada” – Garaad Cabdiqani Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaan salaamaya dhammaan umada reer Somaliland, gaar ahaan waxaan salaamaya saxaafadda madaxabannaan.

Waxaan maalin dhawayd ku arkayay ama umaduba wada ogayd in uu madaxwaynuhu isugu yeedhaay dhamaan asxabta qaranka iyo golayaasha qaranka si looga wada tashado arrimaha xuduudda ee u baahan in si toos ah loo gaadho iyadoo ay ugu danbaysay arrinta Taleex.

cabdiqaniSidaa daraaded, waxa la isla qataay oo madaxwaynuhuna go’aamiyay in aan mar danbee laga soo laabanayn Taleex iyo xuduudda dalka. Arrintaasii waxay ahayd mid ka wada farxisay dhammaan inta danaysa jiritaanka qaranimada Somaliland gudo iyo debadba waa laga wada taageray arrinti la isla qaatay waana lagu dirsaday.

Waxa hadaba ayaamo yar ka dib qaylo kaso yeedhay beesha caalamka oo ku dhawaqay in Taleex laga baxo arrintaas oo aan marnaba qabanayn ama meel ka dhac ku ahayd jiritanka iyo madax-bannaanida Somaliland.

Waxa arrintaa feker badan ka bixiyay dadka u dhun daloola siyaasadda oo ay in badan ka hadleen inay wax wayn inoo dhimayso arrintaa ka soo yeedhay beesha caalamka haddii la qaato ama amarka la maqlo.

Waxaa ugu horeeyay oo arrintaa jawaab ka bixiyay madaxwaynaha oo ku dhawaqaay inaan anaga dalkayaga iyo dadkaaga aan cidna igu amri karin inaan ka soo laabta xuduudayda cidna ka aqbali maayo dalkayga in cidi igu maamusho.

Waxa arrinti ku taageray madaxwaynaha asxaabta qaranka iyo golayaasha qaranka, dadwaynaha ku dhaqan adduunka dacallaadisa gudo iyo debadba. Waxa kale oo arrintaa aad u sii taageraay wax-garadka iyo dadka deeganka u ah Taleex iyo Laascaanood oo soo dhaweeyay go’aankii madaxwaynuhu ugu jawaabay beesha calamka.

Iyada oo sidaas la isku ogaa, ayaa abtigay Xirsii looga yeedhaay Jabuuti, waxaanu ku maqnaa saddex malmood, Dadka qaar waxay noo shegayaan in halkaas qoraal amar ah Maraykanku ugu soo dhiibay una sheegay inuu ku amro ciidamadu inay dib uga soo baxaan.

Laba cisho gudahood ayuu wefti ka xushay golaha Wasiirada, ka dibna qunyar ayuu Qorulugud ku sii nastay, waxaanu uga gudbay dagmada Taleex, isagoo qun yar socod samaynaya, waxaanu dhex lugeeyay magaalada Taleex oo xasiloon. dadwaynuhuna so dhawaynayeen ciidamada Somaliland iyo wax-qabadkeedaba. Maalin kadib ayuu amar siiyay abaandulihii Somaliland oo halkaas ku sugna una sheegay inay cidamadu dib uga so gurtaan degmada Taleex.

Waxaa nagu maqale ah inaanu ogayn Cali Waran-cadde oo la socday in ciidamada amar la siiyay iyo in kale toona oo Marku Hargeysa soo gaadhay uu ku baraarugay Ciidamadii Taleex dib ayay uga soo gurteen xamaantooda, marki uu daba galayna loo sheegay wasiir Xirsi inu arintaa amray

Arrintasii waa meel ka dhac wayn oo Somaliland u soo hoyatay wax la qarin karana maaha, wa ceeb in la inoo yeedhiyo maalin kasta inaynu xuduuddeena dib uga soo noqono.

Waxanan leeyahay dawladda hadda jogtaa ayadaa ku hagaysa in aan Somaliland maalin qudha gaadhin xuduudda oo waxay rabtaa rabshadaha iyo ciidamo kolma meel ku hubaysma.

Maantana maxay noo shegayaan ma reer Taleex Somaliland ma ogolo ayay nagu odhanayan? Taasii waa mid fashilantay waataanu arkaynay ciidamadi Somaliland markay Taleex tageen geel iyo caano ayaa lo qalay oo lagu sooryeyay jacaylka lo qabo.

 

Waxaan leeyahay abti Xirsoow adiga ayay dhakadada saarantahay arrinta Taleex mid aanu kugu difaaci karno maaha waa qaranimadi oo la khiyaameyay, mana aqbalayno in maalin kasta ciidamadu dib uga so baxan xuduudda ay shalay qaabsadeen.

Silanyona waxan odhan lahaa:

1)       Xuduuddii waad ku fashilantay oo ceeb ayaad maalin walba uso hoysa qaranka

2)       Doorashadii waad ku fashilantay oo hal mid oo aad qabatay intaas oo qofbaa ku dhimatay.

3)       Siyaasadii arrimaha debada ceeb iyo guul-darro ayaad qaranka uga soo hoysay.

4)       Saxaafadi iyo xoriyatul qawlki waad baabisay oo afkaad ka xidhay oo cidina dalkii kama hadasho

5)       Waxa ugu danbeyay oo qarankani kugu amineen xisbigii Kulmiyee la odhan jiray toban jeer ayaa lagugu garnaqay oo saddex sano ayaa is-haysadkisii socdaa wali.   Waxaan kugula talin lahaa maantay talo kugu dhawdahay ee ku dhawaaq is-casilaad oo u sheeg dadka inaad noqonayso oday qaran oo laga danbeyo, talo tasaa kuugu dhaw.

Qoladaa asxaabta qarankana waxaan kula talin lahaa:

  1. Inta guddida doorashoyinku madaxtooyada ka amar qaatan
  2. Inta garsoorkii madaxtooyada ka amar qaadanayaan
  3. Intaa ciidamo asxaabta qaranka loo samaystay oo RRU loogu magac daray amarkana ay madaxtooyada ka qaadanayan.

Sidaa doorashoo haku galina baan idinkula talinayaa.

Hadii kalee sameya ciidamo dhex-dhexada ah oo u bixiya ciidamada ilaalinta doorashooyinka iyo saxaafada xorta ah.

Garaad Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories