HomeWasiir Xirsi oo Su’aalo ka weydiiyey Dhacdada Mudane Gudaha Madaxtooyada lagu faro-saaray...

Wasiir Xirsi oo Su’aalo ka weydiiyey Dhacdada Mudane Gudaha Madaxtooyada lagu faro-saaray iyo Doodda Wasiirka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xirsiHargeysa (SLpost)- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakillada Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wax ka weydiiyeen xad-gudub xad-gudub taliyaha Ilaalada Madaxtooyadu gudaha madaxtooyada ugu geystay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Kulanka oo saxaafaddu dib-joog ka ahayd, waxa uu Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan warbixin ku saabsan dhacdada dhex-martay Taliyaha Ilaallada Madaxtooyada iyo Xildhibaanka u gudbiyey Guddiga Joogtada ah oo hore u dhegaystay warbixinta uu Mudane Xasan Cawaale u gudbiyey, waxaanu kulankani dhammaystir u ahaa warbixin Gole-weynaha Wakiilladu ka sugayey Guddiga Joogtada, sida ay sheegeen Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali oo markii kulankaasi u dhammaaday warbaahinta ula hadlay si wada-jir ah.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ugu horeyn ka hadlay natiijada kulanka dhexmaray Wasiirka, ayaa yidhi, “Guddiga Joogta ah iyo Anshaxa ee Golaha Wakiilladu waxay maanta (shalay) halkan kulan kula yeelatay wasiirka madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay xog-warran kala yeelatay dhacdo madaxtooyada gudaheeda ka dhacday oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha oo Ilaallada madaxtooyada gacan-saareen oo wax gaadhsiiyeen, taasoo meel-ka-dhac ku ahayd karaamada iyo maamuuskii uu xildhibaanku lahaa. Arrintaas darteed ayaanu wasiirka ugu yeedhay inuu faahfaahiyo sidii wax u dhaceen, anagoo hore u haynay dhinicii kale ee Xildhibaanka wixii warbixin ahaa ee uu na siiyey, guddi ahaanna annaga lana sugayey inaanu Golaha horgeyno warbixintaas. Markaa wasiirku warbixin fiican buu na siiyey.”

Wasiirka Madaxtooyada oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay dhacdadaasi ku timi, waxaanu yidhi, “Sida uu xildhibaanku sheegay waxa ii yeedhay Guddiga Joogtada ah, waxay iga waraysanayeen dhacdada ay isku maan-dhaafeen Xildhibaan Xasan Cawaale iyo Taliyaha Madaxooyadu, waxaanan uga warramay sidii ay meesha wax uga dhaceen. Waxaan iyaga (Guddiga) iyo Idinkaba (Saxaafadda) u sheegayaa inaanay dhacdadu ahayn sida loo buun-buuniyey, may jirin xildhibaan la garaacay, laakiinse markii ay is-maandhaafeen, Xildhibaanka waa la daafadeeyey (Dib loo tuuray). Markaa waxyeello kasta ha lahaatee, anagoon raalli ka ahayn oo soo dhawayn in ciidamadu riixaan, taabtaan ama gacan u geystaan madaxda qaranka ee Xasaanadda leh, dhacdadu waxay ku koobnayd daafadeyntaas.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu soo bandhignay warbixinta caafimaadka labadii cusbitaal ee uu tagay. Waxa kale oo ciddii u baahan u soo bandhigaynaa Kabadda Ammaanka (CCTV) madaxtooyada oo duubtay siday dhacdadu u dhacday. Laakiin mar walba waxaanu qiraynaa in xildhibaannada iyo madaxda kale ee qaranku xasaanad leeyihiin. Iyagana (xildhibaannada) waxaanu leenahay sidii ninkii Soomaaliyeed ee sheegay, ‘Soddoheey, maxaa ku geeyey meesha Inanka inantaada qaba gacanteedu gaadhayso’. Meelaha qaarkood ha gaadhina oo idinka iyo askartu ha isku dhex-qasmina; madaxda iyo askartu waa kala soocantahaye, kala soocnaada. Askartana waxaanu leenahay, xildhibaannada Qaranku waa dowladnimadii iyo haybadnimadii, waa baarlamaankii shacabku soo doortay, sharaf iyo karaamo ayay leeyihiine waa in la ilaaliyo.”

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo warbaahinta kula hadlay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo lagaga dabiibay dhaawacyo uu sheegay inay Ilaalada Madaxtooyadu u geysteen 2-dii bishii July isagoo ku sugan gudaha madaxtooyada, waxaanu masuuliyadda nabarro uu sheegay in loo geystay ku eedeeyey taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Sare Axmed Cali Meygaag.

Xasan Cawaale waxa uu ku sababeeyey faro-saarka Askartu u geysatay kaddib markii uu isku dayey ladqabo uu ku dhex-dhexaadinayey xildhibaan ay Golaha Wakiillada ka wada-tirsan oo ay is-afdhaafeen Askari ilaalada madaxtooyada ka tirsan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories